Ciidamada Suuriya oo dagaalka Xalab guulo ka gaaray

0
624

waaxa qorey yaasir br

Ciidamada dowladda Suuriya iyo xulafadooda ayaa hormar ballaaran ka sameynaya duullaanka ay ku hayaan qeybta mucaaradka ay maamulaan ee Xalab.
Ujeedada ay leeyihiin ayaa ah in labo ay u kala qeybiyaan deegaanada ay mucaaradka ka maamulaan bariga magaalada.
Waxay shalay qabsadeen degmada Jabal Badro, waxayna ku sii dhowaanayaan degmada kale ee Baadeen, sida ay wararku sheegayaan.
Sidoo kale ciidamada ayaa horey u qabsaday degmada ugu weyne bariga Xalab ee Hanano.
Dagaal culus ayaa ka socdo degmooyiinka kale sida Sakhoor, Xaydariya iyo Bistan Albasha.
Ciidamada Bishaar Al-Asad ayaa gudaha u galay dhulkii mucaaradka illaa 500 oo mitir.
Kooxaha u ololeeya arrimaha dalka Suuriya waxay sheegayaan in kumannaan qof ay ka qexeen labada dhinac ee mucaaradka iyo dowladda ay kala maamulaan.