Ciidamo Mareykan ah oo lasoo dhoobay xuduudda Ruushka iyo xukuumadda Moscow oo hanjabaad u aragtay

0
471

Dowladda Ruushka ayaa walaac ka muujisay saddex kun oo ciidamo Mareykan ah iyo xulafadooda gaashaanbuurta NATO oo maalmihii u dambeeyay lasoo dhoobay xuduuda dalka Ruushku jaarka la yahay ee Poland.

Ciidamadan NATO geysay xuduudda dalka Ruushka ayaa tiradooda guud lagu sheegay afar kun oo askari iyo qalabkooda, waana dhoolatuskii ugu weynaa ee ciida ee gaashaanbuurta NATO ka sameyso wadddan jaar la ah Ruusha tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa.

NATO ayaa uga gol leh geynta ciidamadan xuduudda Ruushka iyo dhoolatuskaba mid ay kaga hortageyso hanjabaadda kaga imaaneysa xulafadooda dhanka Ruushka.

Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa dhankeeda ku sheegtay howlgalkan ciida ee xuduudeeda laga wado mid daan-daansi ah oo aan la aqbali karin, waxaana ay u aragtaa hanjabaad qaawan oo kala imaaneysa dhanka gaashaanbuurta NATO.

Si kastaba dhaalatuskan ciidan ee uu Mareykanka qeybta ka yahay ayaa cirka kusoo shareereysa xurgufta u dhaxeysa Mareykanka iyo Ruushka iyo waliba gaashaanbuurta NATO.