Cirro Iyo Togdhdeer Qore Khadar Ibrahim

0
417

anigo si wada silsilada guul darooyinka ku soo maqiiqan xisbiga waddani ee doorashooyinkaa! waxaan maanta u jaxaabay BURCO iyo Togdheer .gobolkan waa gobol marka laga eego xaga xisbiyadda waxa mar walba xisbiga KULMIYE kaalinta kowaad ka gali jiray,hadii ahayd ti 2005,2010,2012,waa gobol si aad u taageersan xisbiga kulmiye .had iyo jeer xisbiga isku qaada inu kaga badiyo kulmiye togdheer wuxuu gala gud aanu ka soo bixi karin.

Doorashooyiinki ugu danbayay ti madaxtinimada 2010 iyo ti deegaanka 2012, waxa ku guulastay xisbiga kulmiye wuxuuna muujiye kulmiye inuu gobolka labaad xaga tiradda codbixyaasha inay jeebkiisa ugu jiraan, laakin ta madaxtinimadda soo socota cid ku dhwaan karta ayaba iska yar, waayo xisbiga labaad ee aan u malayn doona inu noqdo waa waddani , waddani naa maaha xisbi kula tartami kara burco maadama uu xisbiga waddani xafiiskiisa maanta kii gobolka u mar walba xidhan yahay !!!.

Orda taga maanta oo soo arka bulshaweynta burco waxay isweedenaya maxa albabkii xisbiga xidhay?!! Iyadoo doorashooyin ay soo dhow yihiin ? ma daqiiqada ugu danbaysa ay cod la raadinaya?!! yaab, xisbiga kulmiye wuu furan yihiin laakin waddani fadeexad bay ku tahay iyagoo urursanaya dhaqaalo dibadeed ayay xafiis yadoodona ay xidhan yihiin !!.

waxan la talinaya taageeryasha waddani inay la xisabtamaan xisbiga caadifada ku socda ee heer maamul gobolda ku lahayen !!, iyadoo dhowr jeer khilaaf weyn ka dhex dhacay maamulka waddani ee burco ee ducufku ka muuqdo, xisbi daciif ah oo garan waayay sidu u maamuli lahaa gobolka labaad ee Somaliland iyo sidee u kasban laha codadkooda!?yaab.

Sida ila tahayna xisbiga haysta maanta gobolada udhan sida xisbiga bahweynta ee kulmiye ila maaha inuu la tartami karo waddani waayo maamul ahaan dafiic weeye , togdheerna codka ugu badan ee soo bixi doona waa kulmiye iyo musharaxooda MUUSE BIIHI CABDI, waxayna ku tahay gudoomiyaha xisbiga waddani amba musharaxiisa cirro waji gabax oo waliba sheegta dhalasho ahaan togdheer !!.

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com