Clinton oo guul darradeedii ku eedaysay agaasimaha FBI-da

0
511

Hillary Clinton ayaa sheegtay in guul darradeedii madaxtinimada Maraykanka ay keentay faragelin uu ku lahaa doorashada agaasimaha FBI-du.
Mrs. Clinton waxay sheegtay in dhawaaqii agaasimaha FBI-da, James Comey, ee ahaa in baadhitaan cusub lagu bilaabayo adeegsigeedii email-lada markii ay ahayd xog-hayaha arimaha dibadda wax yar uun ka hor maalintii doorashadu dhacaysay, uu ahaa talaabadii joojisay xawligii uu ku socday ololaheedii doorashadu.
Clinton oo u tartamaysay Xisbiga Dimuqraadigu, waxay hadalkan sheegtay iyadoo telefoon kula hadlaysay qaar ka mid ah dadka deeqaha siiya xisbiga, hadalkaas sirta ahna waxa markii markii dambe heshay warbaahinta.
Kooxdii agaasimaysay ololaheeda ayaa sheegay in kastoo Mrs.Clinton markii dambe lagu waayey wax fal dembiyeed ah, in hadana tallaabadaas FBI-du soo noolaysay eeddayntii Trump ee ahayd in musharaxa Dimuqraadiga uu ilaalinayo nidaamka dowliga ah ee Maraykanka ee musuqu galay.
Weli waxa socda mudaharaadada lagaga soo horjeedo guusha ninkii ay loolameen ee Donald Trump.