Colaad Halis Ah Oo Ka Dhex Qaraxday Maamullada Soomaaliya Ee Puntland Iyo Galmudug+ Weedho Xanaf Leh Oo La Isu Adeegsaday

0
295

Colaad Halis Ah Oo Ka Dhex Qaraxday Maamullada Soomaaliya Ee Puntland Iyo Galmudug+ Weedho Xanaf Leh Oo La Isu Adeegsaday

Gaalkacayo(Warsugan) Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena waa ku dhaawacmeen dagaal hubka culus la isu adeegsaday oo shalay galinkii hore duleedka Gaalkacayo ku dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug. Collaadda ayaa imanaysa todobaad kadib markii Maraykanka oo kaashanaya ciidamada Puntland duqeeyay saldhig ciidamada Galmudug ku leeyihiin meel ka baxsan Gaalkacayo.

Xiisadda labada maamul ayaa meel xun gaadhay bishii la soo dhaafay ka dib markii Maraykanku uu duqeeyay xero ciidan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay sheegtay in lagu dilay 22 ka mid ah ciidammadooda.Waxayna Galmudug ku eedaysay Puntland inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.Marykanka ayaa ku adkeysanaya in weerarkaasi uu ku dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Maamulka Puntland oo ka hadlayay collaadda shalay bilaamatay ayaa markii u horaysay ku dooday in Galmudug u aargudayso duqayntii Saldhiga lagu sameeyay “Sida ay la wada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Beesha caalamka iyo dalalka deriskuba, waxaa 28-kii bisha September, 2016 degaanka Jeexdin ee Bariga Gaalkacayo ay ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka Argagixisadu ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab sida ay xaqiijiyeen laamaha la dagaalanka Argagixisada ee Maraykanka,” ayaa lagu yidhi qoraal Puntland soo saartay.

Puntland waxay intaasi raacisay in dhacdadaasi kadib maamulka Galmudug iyo Alshabaab ugu soo hanjabeen duullaan ay ugu aargudayaan waxay Al-shabaab ugu yeedhay Sharwadeyaasha Alshabaab, inkasta oo Galmudug sheegtay inay ciidamadeeda yihiin, lugna aanay ku lahayn Alshabaab.

Maamulka Puntland oo sii wada hadalladiisa xanafta leh waxay sheegeen in dagaalka Shalay ahaa duulaan aargudasho ah oo lagu soo qaaday shacabkooda, islamarkaana khasaare naf iyo maal leh la gaadhsiiyay.Waxay ugu baaqeen bulshada Puntland inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Galmudug oo sheegeen inay Alshabaab qayb ka yihiin, islamarkaana ay isku milmeen, iyadoo ku dooday in Alshabaab ku milantay hoggaanka Galmudug, haddalladaasi oo sii xumaynaya xidhiidhka labada Maamul ee soonahoodu yahay Qabiilka.

Bishii November ee sannadkii hore ayey labada dhinac ku dagaalameen magaalada Gaalkacyo waxaana dagaalladaasi ku dhintay tobannaan qof.Dawladda Soomaaliya ayaa markii dambe ku guulaysatay inay heshiis kala dhex dhigto labada dhinac oo dagaalkoodu dalalka dariska ah ka yaabiyay loona arkay laba dawladood oo dagaallamaya.
Xigasho Wargeyska Warsugan