Cudur Dunnida Ku Cusub Oo Khal-khal Galiyey Caalamka

0
607

Cudur Dunnida Ku Cusub Oo   Khal-khal Galiyey Caalamka

Dhakhaatiir Mareykan ah ayaa ka digay cudur halis ah oo ku faafaya daafaha kala kala duwan ee Mareykanka, cudurkan ayaa sababi kara istaroog. Sida ay qortay “Daily Mail“, cudurkan oo la yidhaahdo Chagas Disease ayaa waxaa faafinaya cayayaanka “kissing bug’, kaas oo dadka ka qaniina meel afka agtiisa ah. Cudurkan ayaa ku faafay dhex bartamaha iyo koonfurta Qaaradda America, laakiin hadda waxa uu soo gaadhay dhanka waqooyi Mareykanka, cudurkan ayaa ku dhacay in ka badan 300,000(Saddex boqol oo kun) oo Mareykan ah.

Bayaan ay soo saareen ururka cudurrada Wadnaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in haddii sida ugu dhakhsiyaha badan loo ogaan waayo nooca cudurka “Chagas” si degdeg ahna loo daaweyn waayo uu baaba’ badan u geysan doono daafaha kala duwan ee Mareykanka. Chagas waa cudur uu cayayaan sababo waxa uu ku faafaa goobaha cimilladoodu kulushahay, waxa uu ku noolyahay caloosha cayayaanka inta aanu aadanaha u gudbin ka hor.

Dhakhaatiirta qaar ayaa aaminsan in cudurka laga qaado saxaradda saxarada cayayaanka iyagoo tilmaamaya in “Saxaradii marka ay gaadho dhaawac furan ay sababeyso in qofkii uu cudurka qaado.” Cudurkan ayaa calaamadaha lagu garan karo waxaa ka mid ah: Madax xanuun, xumad, daal, haragga oo finin ay ka soo yaacayaan iyo hareeraha goobta uu ku dhaco oo bararta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here