Cuqaasha Buuhoodle oo Cambaarayn Kulul Dusha Ka saaray Cali Khaliif Galaydh

0
573

Cuqaasha Buuhoodle oo Cambaarayn Kulul Dusha Ka saaray Cali Khaliif Galaydh

(waxaanu caddaynaynaa in Cali Khaliif ka dambeeyey falkii Jimcihii dadka lagu laayey waana cambaaraynaynaa)
(Tolkii Waxa uu Joogaa laascaanood, Haduu ilaahay nabad ka doonayo yaanu nagaga soo noqon Buuhoodle)

Buuhoodle(Warsugannews)Cuqaasha iyo Odayaasha Gobolka Buuhoodle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa cambaareeyey falkii waxashnimada ahaa ee ay maleeshiyada Cali Khaliif maalintii jimcahii ku xasuuqeen dad reer Guuraa ah oo ku sugnaa Deegaanka Carro-weyn oo isla gobolkaasi ah
Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo tacsi u diray eheladii dadkii falkaa waxyeeladu ka soo gaadhay ayaa sidoo kale dhibaatadii halkaa ka dhacday dusha ka saaray Dagaal oogaha nabad diidka ee Cali khaliif oo hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka dalka aynu jaarka anahay ee Somaliya, mudooyinkii u dambeeyeyna hawlo xasilooni darro ka hurinayey meelo ka mid ah Gobolkaasi Buuhoodle
Chief Caaqil Maxamed Xaaji Axmed Aadan Xaad oo shir jaraa’idkaas ka hadlay ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii falkaa wax ku noqday, halka sidoo kalena uu cambaareeyey falkaa oo uu ku sheegay mid uu ka dambeeyey Cali khaliif galaydh waxana hadaladiisii ka mid ahaa: ‘sida aad la socotaan waxa Tuulada Carro-weyn ka dhacay fal aad u xun oo aan lagu talogelin oo dadka deegaanku nadiif ka yihiin, sida la ogyahay dhibka halkaa ka dhacay waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya oo anaguna ku ognahay Cali khaliif galaydh’

Intaa ka bacdina Caaqil Cali Dahable ayaa faahfaahin iyo caddaymo ku soo bandhigay shir jaraa’idkaasi kuwaasoo muujinaya sida uu dagaal ooge Cali khaliif u soo qorsheeyey weerarkaa maato-dooxa ah, waxana hadaladii caaqilka ka mid ahaa: ‘deegaanka Carro-weyn waxaa ka dhacay weerar duhur cad lagu qaaday dad aan waxba galabsan, waxana uu ahaa weerar qorshaysan oo raagay oo xilli hore la damacsanaa, weerarkaasi waxa uu dabo joogay oo lagu duminayey oo loola dan lahaa heshiiskii beeluhu ku gaadheen tuulada Coodanle dhowr bilood ka hor, sidoo kale weerarkaasi waxa uu u dan lahaa odayaashii reer Buuhoodle ee maalintii dhoweyd nabadda ku baaqay, waxana la fuliyey anaga oo dadka isu soo guuray ee is dhex degan wadajirkooda ka shaqaynayna ‘
Caaqilka oo hadalkiisa sii wata ayaa falkaasi dusha ka saaray Cali Khaliif Galaydh waxana uu yidhi “ waxaanu cambaaraynaynaa dadkii ka dambeeyey weerarkaasi oo uusoo abaabulay Cali khaliif Galaydh, waana werar loola dan lahaa madax dhaqameedka, waxgaradka, nin garboodka iyo cid kasta oo nabadda ka shaqaynaysa, waxana aan mar labaad caddaynayaa in Cali khaliif weerarkaa soo abaabulay oo fuliyey, waxaana caddaymo u ah hadalkiisii uu warbaahinta ka sheegay ee uu ku baaqayey inuu colaad maato doox ah ridayo’
Caaqil Ismaaciil Cabdilaahi Xaaji Cumar Camey ayaa isna dhankiisa cambaareeyey falkaasi kuna baaqay in dhinac looga soo wada jeesto dadka caadaystay waxyeelaynta amniga iyo xasiloonida deegaanka, colaadana kala dhex dhigaya dadka isku oodda ah.’
Caaqil Saleebaan faarax dhuuhe oo halkaa ka hadlay ayaa ugu baaqay Dagaal ooge Cali Khaliif inuu Buuhoodle dhibta ka daayo, waxana uu yidhi sidan: ‘Cali Khaliif Buuhoodle ma laha waa nin reer Sool ah, tolkii waxa uu joogaa Laascaanood iyo kalabaydh, hadii aanu dhibka dadka ka daynayn ha la qabto Gobolkiisa, Ilaahay haduu nabad ka doonayana yaanu Buuhoodle nagaga soo noqon, halkana anagaa leh dhib kama ogolin, waxyeelada deriska ma aqbalayno’.
Shir jaraa’idkaasi waxaa kaloo ka hadlay Cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Caaqil Maxamed Ismaaciil Gurux iyo Ganacsade Cabdicasiis Garaad Soofe kuwaas oo dhammaantood cambaareeyey Falkaasi dadka lagu laayey iyo Dagaal ooge Cali khaliif oo ay ku caddeeyeen inuu ka dambeeyey.