DAAWO :DAACISH OO SAMEEYSATAY DRONES QARAXYO KU RAKIBAN YIHIIN IYO CABSI LA SOO GUDBOONAATAY XOOGAGA HUWANTA EE LA DAGAALAMAYA .

0
746

Dagaalka ka holcaya waqooyiga dalka Ciraaq ayaa waji cusub la soo baxay ka dib markii kooxda Daacish ay soo sameesteen qalabka wax basaasa ee loo yaqaan Drones kaas oo ay ku soo rakibeen Qaraxyo hawada sare ka imaanaya .

Qaar ka mid ah ciidamada Milatariga dalka Ciraaq iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa qasaaro ka soo gaaray qalabkaan Drones-ka ah ee kooxda Daacish u soo dirtay hawada halka ugu xun ee dagaaladu ka holcayaan .

Sidoo kale ciidamo Faransiis ah ayaa dhaawacyo adag ka soo gaareen Doreska Daacish farsameysatay . Ciidamada cirka ee dalka Mareeykanka ayaa isbuucii hore ka digay inay jiraan Drones ay soo farsameesteen dagaalyahanada kooxda Daacish loona baahan yahay in la iska jiro oo aan lagu dag dagin .

https://youtu.be/lnzmgnpLUpc?t=45