DAAWO: Dagaalyahan Dabaal degay markii loo sheegay inuu is qarxinayo

0
356

Dagaalyahan katirsan Kooxda Daacish ayaa loo sheegay in uu nasiib u yeeshay in uu noqonayo qofka ugu horeeya ee is qarxinaya, waxaana durba dagaalyahankan uu muujiyay dareen farxadeed iyo sida uu u doonayay in uu is qarxiyo.
Muuqaal ay soo bandhigtay Kooxda Daacish ayaa lagu muujiyay ninkan oo ku faraxsan una dabaal dega in uu nasiib u yeeshay in uu fuliyo weerar ismiidaamin ah, waxa uuna ninkan xabadka galiyay isaga oo dhoola cadeenaya dagaalyahano kale oo katirsan Kooxda Daacish.
Ninkan katirsanaa Kooxda Daacish ayaa sidoo kale loo diyaariyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku filan lahaa weerarka ismiidaaminta ah, ninkan ayaan ka muuqan wax naxtin ah uu ka qabo in uu dhinto isna qarxiyo.
Dad badan oo daawaday Muuqaalkan ayaa layaab ku tilmaamay in uu qof u dabaal dego fulinta weerar ismiidaamin ah, waxaana dad badan ay rumeesan yihiin in raga is qarxiya loo sheego waxyaabo badan oo qaluubtooda roga.