Daawo Deegaanno Badan Oo Ka Kala Tirsan Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil Oo Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Ba’an Oo Ay Sababta Abaarta Ka Jirta Dalka

0
575

Deegaanno Badan Oo Ka Kala Tirsan Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil Oo Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Ba’an Oo Ay Sababta Abaarta Ka Jirta Dalka + Qaylo-dhaanta Bad-baadinta Nolosha Bina’aadanka Ee Ka Soo Yeedhay Dadka Deegaanaddaas.

Daad-madheedh(WSN)Iyadoo guud ahaan ay abaaro ba’ani ka jiraan dalka Somaliland, gaar ahaan Gobolladda bari, isla markaasna ay saamayn xoogan ku yeelatay nolosha dad iyo duunyo. Dadka degan deegaanno badan oo ka kala tirsan Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil, ayaa ah kuwo dareenkooda si dhab ah looga dheehanayo diifta iyo dhibaatadda baahsan ee ay ku keentay abaartu.

Dhibaatadda ay sababtay abaartu ee ay ka mid yihiin biyo la’aan, cuno la’aan, ayaa ah mid ay dadku la tacaalayaan, iyagoo xoolihii guud ahaanba ka baxeen, wakhti xaadirkana ay naftoodu khater ugu jiraan
dhimasho. Guddi xaqiiqo raadis ah oo soo kicintay caasimadda Hargeysa, ayaa soo kormeeray deegaanaddan oo ay dhalasho ahaana ka soo jeedaan, isla markaana hoos yimaada Gobolladda Daad-madheedh, Tog-dheer iyo Saaxil.

Ugu horeyn gudidu oo lugtoodii ugu horeysay ka bilowday 16/1/2017-ka degmadda Hara-sheekh oo ka tirsan Gobolka Daad-madheedh. Haddaba, waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa, barnaamij aanu idiinka soo diyaarinay, isla markaana si dhab ah ugu hadlay dhibaatooyinka abaartu ku yeelatay deegaanadii aanu soo marnay ee daawasho wanaagsan.