Daawo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamij Lagu Diiwaangelinayo Gaadiidka Dawladda Oo Ka Bilaabmay Xarunta Madaxtooyada + Sawiro

0
498

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamij Lagu Diiwaangelinayo Gaadiidka Dawladda Oo Ka Bilaabmay Xarunta Madaxtooyada.

Hargeysa-04-02-2018-(WSN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay Barnaamij lagu tiro koobayo gaadiidka dawladdu leedahay (GT) ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee xukuumadda, kaas oo laga ibo-furay xarunta madaxtooyada.

Munaasibadda daah-furka barnaamijka lagu diiwaangelinayo gaadiidka dawladdu leedahay oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadku, ayaa maanta lagu daah-furay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, agaasimayaasha madaxtooyada iyo wasaaradda Gaadiidka, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid).

Hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dawladdu leedahay oo laga hirgelin doono dhammaanba hay’adaha kala duwan ee dawladda, isla-markaana safka hore kaga jirta qorsheyaasha xukuumadda madaxweyne, Muuse Biixi ee Boqolka maalmood ee muddo-xileedka madaxweynaha, ayaa waxa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaana uu yidhi, “Inaga oo ka duulayna siyaasadda gaadiidka ee hore loo ansixiyey waxaanu go’aansanay in tiro-koobka loogu horraysiiyo gaadiidka dawladda, kuwa gaarka loo leeyahayna waanu tiro-koobi doonaa insha allah, habka aanu wax ku tiro koobaynaana waa hannaan awood inoo siinaya in aanu muddo shan daqiiqo ka yar ku ogaano tirada guud ee gaadiidka dawladda meel kasta oo ay joogaan, waxa kale oo uu xog inaga siinayaa gaadhiga xaaladdiisa inuu shaqaynayo iyo inuu fadhiyo, si loo xaraasho ama loo kiciyo, waxaana ay shaqadani socon doontaa muddo 28-maalmood ah.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan u xilsaaran yihiin diiwaangelinta Gaadiidka dawladda iyo dayac-tirkoodaba, “Wasaarad kastaa u haysato inay gaadhiga u shaqeeya iyadu gaar u leedahay, annaguse waxaanu caddaynaynaa in aanay sidaasi shaqayn doonin, wasaaradda Gaadiidkuna iyada ayaa gaadiidka dawladda masuul ka ah, kolba hay’adda ama wasaaradda gaadhi u baahan baanu eegaynaa, siyaasaduna waxa ay na faraysaa inay wasaaraddani u xilsaaran tahay dhammaan gaadiidka dayac-tirkooda iyo ilaalintoodaba,” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hawshan daah-furay, ayaa tilmaamay in tallaabada Gaadiidka dawladda lagu tiro-koobayaa qaranka faa’iidooyin badan u leeyahay, isla markaana, lagu kala saari doono xaaladaha ay ku sugan yihiin gaadiidka dawladdu iyo baahiyaha ay qabaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaanu caddaynaynaa in maanta la bilaabay diiwaangelintii gaadiidka dawladda, iyada oo looga gol-leeyahay in la ogaado inta gaadiid rasmi ah ee qaranku leeyahay, wixii shaqaynaya iyo waxa aan shaqaynin, si xagga dhaqaalaha loogu xisaabtamo oo intii gaadiid dambe kharash la gelin lahaa gaadiidka qaranku haysto lagu xisaabtamo oo wixii la dayac-tiri karo la dayac-tiro, wixii khadka ka baxayna waddadii xaraashka ahayd la mariyo, waan sharci hore u jirey oo ay xukuumaddan cusubi qaadatay in la fuliyo.”

Mudane Saylici waxa uu faray dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda inay wasaaradda gaadiidka gacan ka siiyaan hawsha ay ku diiwaangelinayso gaadiidka dawladda, waxaana uu tallaabadda hawshan lagaga bilaabay xarunta madaxtooyada ku sifeeyey mid muujinaysa sida xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi arrintan muhiidda gaar ah u siinayso, “Sababta tiro-koobka gaadiidka dawladda looga bilaabay madaxtooyadu waa mudnaanta ay hawshani leedahay, dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha qarankana waxaan farayaa inay hawsha u fududeeyaan wasaaradda loo xilsaaray iyo kooxda ka shaqaynaysa,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Agaasimayaasha guud ee Madaxtooyada, Marwo Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ay hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dawladda ku tilmaamay mid qaranka horumarkiisa lagaga shaqaynayo, isla-markaana lagu sugayo xogta guud ee gaadiidka qaranku leeyahay.