Daawo “Mashruuca Aannu Gacanta U Qaadno Waanu Dhamays Tirnaa, Waxaannu Rajaynayaa Inuu Dhismaha Jeelkani Dhammaado, Wax Weyna Ka Taro Nidaamka Garsoorka Dalka” Wasiir Xaashi

0
420

“Mashruuca Aannu Gacanta U Qaadno Waanu Dhamays Tirnaa, Waxaannu Rajaynayaa Inuu Dhismaha Jeelkani Dhammaado, Wax Weyna Ka Taro Nidaamka Garsoorka Dalka” Wasiir Xaashi

Burco(WSN)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Oo maanta kormeer ku tegay isagoo ay wehelinayaan wasiiro, masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo uu hormuud ka yahay gudoomiyaha ahan murashaxa doorashada madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland.

Markii kormeerkaasi dhamaaday waxa saxaafadda weedho kooban siyey wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxaana ka id ahaa “Jeelkan Burco waxa la dhisay wakhtigii Ingiriiskii, maxaabiista uu qaadi karaana waa yartahay, duruuftaas oo dhan waa mid run ah oo xaqiiq ku salaysan, waxana ay tahay ta aannu ka duulnay ee jeelkan aannu u dhisnayno ee ay mashruucan xukuumaddu u fulisay.

Mashruucan xabisga dhaxe ee magaalda Burco oo ah halkan, waxa ku baxaya Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar ($1, 500, 000), Xukuumadda Somaliland ayaa fulinaysa, lacagtaa qayb ayaa la bixiyey qaybta kalena hada waa la bixinayaa, shirkadiina gacanta ayey ku haysaa, ma jiro Jeel istaagay, waxaanu beeninaynaa in dhisme istaagay uu jiro, waxaan u mahad celinayaa shirkada Al Baraka oo runtii xoog saartay, waa shirkad caan ku ah dhismayaasha, waana kaa socda.

Waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay jeelkii waa istaagay, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo meelna dhagax ma dhigno, hadaanu dhignana waanu dhisnaa, mashruuca aannu gacanta u qaadnana waannu dhamays tirnaa, waxaanu rajaynayaa inuu jeelkani dhammaado, wax weyna ka taro nidaamka garsoorka cadaaladda iyo dhaqan celinta maxaabiista”.

Wa-bilaahi tawfiiq.