Daawo Sawirada: Milatariga Nageria oo si qalad ah u laayay dad ku noolaa Xero Qaxooti

0
474

Ciidamada Milatariga dalka Nageria ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ay geesteen waxa ay la beegsadeen xero ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah, waxaana duqeyntaasi ku dhintay dad badan oo xeradaasi kunoolaa. Inta la xaqiijiyay duqeyntan waxaa ku dhintay 52-qof oo kamid ahaa dadka qaxootiga ah ee ku sugnaa xerada oo kutaala waqooyi bari dalka Nageria, waxaa sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay in ka badan 100-qof.
Duqeynta ayaa dhacday maalintii shalay kadib markii ciidanka Milatariga ka warheleen goob ay isku uruursanayeen dagaalyahanada Boka Haram, hasa ahaatee Diyaaradaha dagaalka ayaa si khadlan u duqeeyay Xerada ay Barakacayaasha kunoolaayeen.
Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Nageria Lucky Irabor ayaa sheegay in wali uusan qiyaasi karin tirada dadka halkaasi lagu laayay balse waxa uu sheegay in dad badan oo rayid ah iyo shaqaale kuwa samafalka ah oo ka tirsan hay’addaha MSF iyo hay’adda caalamiga ah ee laanqeyrta cas ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyntaasi.

Afhayeen u hadashay hay’adda laanqeyrta cas oo lagu magacaabo Aleksandar Matijevic ayaa xaqiijisay in duqeyntaasi Milatariga geesteen lagu dilay dad badan oo shacab ah ay ku jiraan lix ka tirsan shaqaalahooda .

Madaxweynaha dalka Nageria Muhamadu Buhari oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmamaay duqeyntan shacabka badan ku dhinteen mid aad looga naxo, waxa uuna ku sheegay in howlgalkaasi noqday mid laga shalaayay