Daawo Xal Haye – Noocyada Dhaliinyarada Qurbaha(4)

0
316

Hargeysa(WSN)Dhawar iyo labaatan sano ka dib oo aan la noolaa mushkiladaha iyo horumarka jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha dagan waxa aanku doodayaa in mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha degani ay ku xidhan tahay in isbadal lagu sameeyo hogaanka jaaliyadaha Soomaaliyeed. Waa in dhaliinyaradii ka badbaaday mushkiladiha qurbuha ee aan kaga hadalay barmaamijyadii kan ka horeeyay ay qayb muhiim ah ka noqdaan hogaaminta jaaliyada.

Barmaamijkan oo ah barmaamijkii ugu danbeeyay ee barmaamijyo afar ah oo aan kaga hadlay noocyada dhaliinyarad qurbaha aan u bixiyay “Xal Haye – Noocyada dhaliinyarada Soomaalida Qurbaha” aan kaga hadli doonaa mawduucan.