Daawooyin Iibinteedu Mamnuuc Ka Yihiin Dunida Oo Aad Ka Hellayso Goobaha Adeegyadda Caafimaadka ee Somaliland.

0
435

Daawooyin Iibinteedu Mamnuuc Ka Yihiin Dunida Oo Aad Ka Hellayso Goobaha Adeegyadda Caafimaadka ee Somaliland.

Dawada suuxintu waa habka ama dariiqa kaliyaata ee loo maro xakameynta xanuun biinta wakhtiga lagu guda jiro qaliinka, taasoo qofka ka caawisaa dhinaca neefsashada, cadaadiska dhiiga oo ay weheliyaan garaaca iyo dhawaaqa wadnaha.
Waxaana loo isticmaalaa Daawooyinka suuxinta, laba qaab oo kala ah, marka la doonayo in la luminayo dhamaan dareenwadayaasha qofka iyo marka la doonayo in la luminayo qayb ka mid ah dareenwadayaasha jidhka aadamaha, waxaanu qofku dareemaa nashaad badan, illowshiiyo iyo hurdo dheer.
Haddaba, wakhtigan xaadirka ah oo ay dalkeena ku soo kordhayaan dhalin yarada aqoonta leh ee haddana u isticmaasha daawooyinkaas si aan waafaqsanay habkii loogu tallo galay, oo kala kulma caafimaad darro weyn, sida, xididada dareen wadayaasha ee dururgsan oo xidhma, waxyeelooyin ay ku keento maskaxda iyo in ay la qabatimoobaan daawooyinkaas dadka sida khaldan u isticmaala.
Waxaana taasi sabab u ah, in qaar ka mid ah Daawooyinka Procaine, Amethocaine, Cocaine, Lidocaine ee loo yaqaano Lignocaine, Prilocaine, Bupivacaine, Levobupivacaine, Ropivacaine, Mepivacaine, Dibucaine aad ka helayso iyagoolagu iibinaayo dhamaan goobaha adeegyadda caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, xitaa haddii aad tagto farmasiga ku yaala cusbitaalka weyn ee hargeysa waxa si dhib yar lagaaga iibinaayaa daawooyinka dadka lagu suuxiyo, marka aad warqadda daawadu ku qoran tahay aad u dhiibto, taasoo ka baxsan dhamaan sharciyadda daawooyinka ee Hayadda Caafimaadka Aduunka.
Sababtoo ah, daawooyinka dadka lagu suuxiyaa waa kuwo ka mabnuuc ah in lagu iibiyo dhamaan goobaha adeegyadda caafimaadka bulshada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, sida ay qabaan sharciyadda caalamiga ah ee xakameynta iyo illaalinta daawooyinku, waxa ay sheegaan in laga taxadiro in ay ka baxdo gacanta dowladda dawooyinka wax lagu suuxiyaa, isla markaana la dhigo qaybta qaliinka oo qudha, lana hubiyo in laguna xafiday marfash leh quful ku furmaya saddex fure oo ay kala haystaan, saddex qof oo ka shaqeeya qaybta qaliinka, kuwaasoo kala ah, sidda, Hayaha Agabka iyo Dawooyinka Qaliinka, Suuxiyaha iyo Horjoogaha Qaybta Qaliinka.
Sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedin lahaa Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Labada Golle Qaran, in ay go’aan ka gaadhaan sidii wax loogaga qaban lahaa dhamaan wax kasta oo khatar ku ah caafimaadka bulshadda reer Somaliland.

Maxamed Faarax Qoti