“Dadka Deegaamada Ceel-Afweyn, Dararweyne Iyo Dogoble Waxaannu Leenahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu Ciidamada Qaranka Amray Inay Tallaabo Adag Qaadaan, Haday Kalifayso Waxay U Igman Yihiin Inay Wax Dilaan.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL

0
520

“Dadka Deegaamada Ceel-Afweyn, Dararweyne Iyo Dogoble Waxaannu Leenahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu Ciidamada Qaranka Amray Inay Tallaabo Adag Qaadaan, Haday Kalifayso Waxay U Igman Yihiin Inay Wax Dilaan.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL

Hargeysa (WSN) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa xubno wasiir ah oo ka tirsan Xukuumadda Somalian doo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta miiska saraakiisha ee Ciidanka qaranka ayaa ka hadlay xaalada colaadeed eek a taagan Deegaano hoos yimaado Ceel-afweyn.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sharaxay go’aamo Xukuumaddu ay ka soo saartay dirirta halkaasi ku dhex socoto laba beelood oo walaalo ah, waxaanu Wasiirka shaaciyey in Madaxweynaha Somaliland oo ciidamada qaranka faray inay isticimaalo awood kasta oo ay colaadaasi ku joojin karaan.

Wasiirka oo ay wehelianayeen Wasiirka Arrimaha gudaha Md.Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon iyo Gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sidoo kalena sheegay in arrimah deegaamadasi ak taagani aanay samayn doonin diiwaangalinta iyo gaadh qaadashada dawaan ka bilaabmi doonat gobolak Sanaag.

Wasiirka Maxamuud Xaashi ayaa yidhi” Xukuumad ahaan waxaannnu aad ugu xunahay mashaqada iyo dhibaatada mar kale ka dhacday gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Ceel-afweyn deegaamada ka tirsan ee Dararweyne, arrintaasi qadar ILAAHAY ayey ku dhacday, waxa aynu nahay dad ILAAHAY yaqiinsan iyo qadarka, hasayeeshee taasi cudur-daar uma noqon karto waxa dhacaya lagumana dadafayn karo, ILAAHAY isagaa ayaa aadamaha dunidan khaliif uga dhigay wax kasta oo dhacana isaga ayuu kala xisaabtamayaa. Arinta halkaa ka dhacday ee dagaalku waanu cambaaraynnaynaa, waa mid xun Xukuumad ahaan maaha mid aannnu u dulqaadaynayno, qarankan in nabaddiisa iyo deganaashihiisa lagu ciyaaro lagu xadgudbo maaha mid aannu aqbalayno, nabaddiisuna waa mid mudamin ah oo aan ciddina ku xad gudbi karin, waa Xukuumadda qarankan waajibaadka saaran, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo nabadgalyadu waxay ka mid tahay ahmiyadaha ugu waaweyn ee aannu hantida ummaddan ku bixino, dhacdooyin badan iyo isku-dhacyo ayaannu xalimaa maalin walba, xikmad iyo xeeladba ayaannu ku xalinaa, xoogna waanu ku xalinaa, dhacdooyinka cunfi iyo cudud kaliya kuma xalino caqli iyo cudud ayaannu ku xalinaa, waa sida ay wax u xaliyaan Xukuumaddaha waxgaradka ah ee waayo arragnimada leh.”

“ Arrinta Ceel-afweyn xukumo ayaannu ku soo saarnay qaar ayaa fulay, qaybta dambe waxa ay Xukumadaasi u fuli waaweeyn maaha in aannu dadkaa isku eeganay, mana ahayn liidnimo Xukuumad ahaan naga timid, duruufihii inagu timid ee abaaruhu ka mid ahaayeen ayaa sababay in xalka dhibtaasi uu dheeraado. Dadkaa isku-maanu eegin, dhiigoodaanu u gurmaynay, ciidamadii qaranka ayaannu gaynay aqoondarada halkaa ka muuqata waxba iskamay reebeen, haday tahay ta maanta dhacday waa khasaare weyn todoba qof oo dhintay iyo sideed iyo toban qof oo meel ku dhaawacmay, waa wax lagu xumaado waa aqoon darro weyn, hasayeeshee hada way ka badnaan lahayn hadaanaan ciidan dhex dhigin, geerida ILAAHAY ayaa haya, waana la dhiman doonaa, odhan mayno la dhiman maayo laakiin waxaannu leenahay ma jirto cid dalkan amaankiisa iyo deganaanshihiisa khalkhal galin kartaa, una dulqaadan mayno, waxaannu u digaynaa kooxaha iyo dadka ku hawlan inay qalaalasaha sii wadaan dagaal sokeeye inay ka ridaan dalka, ama gobol ama degmo doonaya, waxaanu ku xalin-doonaa baryo iyo sabaale maahee adhaxda ayaannu qaban doonaa, awoodeeda ayaannu leenahay igmanaanshaheedana waanu leenahay.”
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi aya waxa kale oo uu xusay “ Dadkii halkaas ku dhintay ILAAHAY (SWT) ha u naxariisto, waannu ku tacsidaynaynaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen, wixii bukana ALLE ha shaafiyo, shaydaan ayaa ka adeegay aqoon-xumo ayaa ka talisay, waxa aynu u baahan nahay inaynu ka waayo arragno, waxaannu ugu baaqaynayaa bulshada walaalaha ah ee deegaamada Ceel-afweyn, Dararweyne iyo Dogoble ee fidnada shaydaanku dhex-dhigay inay isu hiloobaan inay nabadda Ilaaliyaan, inay walaanimada dib u fiiriyaan inay colaada iyo dhiig talaalka joojiyaan ayaannu ugu baaqaynaa, waanu ku guubaabinaynaa arrintaa. Waxanu leenahay hawluhu sidii ay u qorshaynaayeen wax iska badalayaa ma jiro, cid qalin daari karta qorshihii aannu qarankan nabaddiisa iyo horumarkiisa u dhignay ma jirto, Diiwaangalintii wax iska badalaya ma jirto, gobolka Sanaag ka qabsoomaysa 18 bisha sideedaad, sideedii ayey u qabsoomaysaa, waxaanu shacbiga gobolka Sanaag ugu niyad samaysiinayna in nabadda iyo xasiloonida gobolku ay tahay mid aanu gacan buuxda ku hayno, waannu ku welwel tiraynaa.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay amaray Madaxweynaha Somaliland ka soo saaray xaalada deegaamadaasi waxaanu yidhi “ Dadka deegaamadaas waxaannu leenahay ha-lala shaqeeyo ciidamada, ha loo hoggaansamo amarada ay bixinayaan, waa amaro dawladeed, waxa reeban kooxo hubaysan oo magac beeleed sheegaynaya oo meel ku urura, waxa reeban in magaalooyinka deegaamadaa iyo dalka oo dhan qoro lagu qaato, waxa reeban cid kasta oo hubaysan, ama gurmad abaabulaysa ama colaad ku baaqda tallaabo ayaa laga qaadayaa maaha mid baryo ah, dhimasho ayey tagaysaa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Ciidamada qaranka amray inay talaabo adag qaadaan, haday kalifayso waxay u igman yihiin inay wax dilaan, nabadgalyada iyagoo ilaalinaya, sharcigaa siinaya, waxa siinaya xilkooda qaranimo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa ku dardaaray annaga waa na faray, waxaannu leenahay cidna ugu gaban-mayno ha is ilaaliyaan dadkaa fidmo wadayaasha ahi.”