Dadka Isaaq La Jaaray Ma Ayaan Darree,Dadkayaga Cali Aareeye Xildhibaan ka dhigtay Baa Ayaan Daran

0
356

Waxa Si Anshaxa Iyo Milgaha Gobanimo Ka Baxsan Shaashadaha Televisionada Looga Dheehanayay Maalmihii Ugu Danbeeyey,Nin Xildhibaan Sheeganaya Oo Dadka Hortooda Ka Shubayay Hadal Aan Loo Miidaan Deyin,Cid Uu Ku Metalayayna Aanay Jirin.
xaqiiqadii cali wuxuu ahaa nin lasoo kiraystay oo afkii kuwii soo ijaartay ku hadlaya, af ciise iyo afkiisa midkoodna muu ku hadlaynin,Kuwaasi soo kiraystay Oo Aanu Annaguna Ognahay Ummadduna Og Tahay Halkaanu Kala Joogno,Iyo Sida Aanay Nasteexo Dhexdayada U Oolin.

Cali Aareeye Hore Ayuu Khasaare Noo Geliyay,Tacabkayagii Iyo Halgankii Aanu Reer Sheikh Isaxaaq Kala Qayb Qaadanay,Iyo Doorkayagii Muuqday Ee Aanu Somaliland Ku Lahayn Ninkii Baabi’iyay Ayuu Ahaa, Ninkii Isaaq Inuu Na Kala Dilo U Biyaystay Buu Ahaa Balse Ay Tiisa Noqon Wayday,
Cali Aareeye Waa Ninkaas Qarankii Dhisnaa Ee Tacabka Ummaddu Galay,Iyo Dawladdii Uu Xildhibaanka Ka Ahaa Ee Mushaharka Ka Qaadanayay Ku Sheegaya (Maamul Goboleedka).

Sidaasi Awgeed Waxaan Odhan Lahaa Qoladii Soo Kiraysatay Ee Samaroon,Ee U Riyaaqaysay Aflagaadada Iyo Beenta Cali Aareeye,Iyagoo Moodayay Af Xumadiisa Iyo Meel Ka Dhaciisa Inuu Ku Metelayay Ciise,Candhuuftiinna Adeer Dib Uga Liqa,Ciisena Muu Metalayn,Waxaan Usoo Dirsanayna May Jirin,Reer Sheikh Isaxaaqna Dad Cali Aareeye Iyo Qayrkii Toonna Na Kala Dili Karaan Ma Aha,Oo Dhul Baa Naga Dhexeeya,Dhaqan Baa Naga Dhexeeya,Oo Dhaadashaa Naga Dhaxaysa,Hadaa Idinku Reer Ahaan Samaroonoow Wax Ka Tirsanaysaan Gaarkiinna Uga Doonta,Laakiin Anagu Ma Aqbalayno Inaa Ujeedooyinkiinna Naxliga Xambaarsan Dhufays Nooga Dhigataan.

Waxaan Kusoo Gunaanadayaa Hadalkayga ,Cali Aareeye Iyo Kuwa Dabada Ka Riixayay Waxay Ku Celceliyeen Somaliland Waanu Ka Go’aynaa Ma Doonayno.

Somaliland Hadii Aynu Ka Go,No Xagaynu Qabanaynaa Sow Somalia Maaha,somaliya cidda wax ka ahayd kolkaasi hore ee manfac iyo mansab mid kasta ku haysatay waxay ahayd iyaga ,ee may ahayn innaga,haddii dib loo midoobana cidda wax ka noqonaysaa waa reer sheekh isaxaaq,Runta Aan Isu Sheegnee Ta Aynu Wax Ku Noqonay,Ee Nabad Ku Helay,Ee ku Dhisanay,Waa Fikirkii Saliimka Ahaa Ee Reer Sheikhxaaq Ku Go’aan Qaatay,Inay Somaliland Gooni Uga Go’do Somalia, Hindisaha Gooni Isu Taaggana Iyakaa Lahaa,Halgankii Xorayntana Kuwa Naftoodii Iyo Maalkoogiiba Ku Waayay Waxay Ahaayeen Iyaga,Nolol Iyo Nidaam Diyaarsan Baynu Ku Helay,Waa Nasiib Darro Inaan Maanta Ka Abaal Dhacno Oo Ku Kibirno Nimcada Allah Ina Siiyay,Waxaan Leeyahay Waa Gardarro Cadaan Ah Iyo Ka Badbadin,In Iyadoo Kolkii Ay Afwayne Is Dirirayeen Loo Soo Raacay,In Maanatana Wixii Ay Inoo Dhisayeen,Maalinkii Kastiba La Doc Wareemo,Oo Kolba Xujo Aanay Filayn La Hor Dhigo Adeer Taasi Inama Dhaqayso Ee Aan Dhan Kale Uga Wareegno…….

Cabdi Muxumud Axmed(Fanax)