Dagaal Cirka Iyo Dhulka Ahaa Oo Ka Dhacay G.Gedo+Meydad Lagu Arkay Halkaasi & Xaalada Maanta Jirta

0
365

Sida ay ku Waramayaan Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa kuwaramaya in Dagaal Xoogan uu ka dhacay Halkaasi islamarkaana Khasaaro kala duwan Geystay.
Waxa Dagaalka uu ka dhacay Deegaanka Cali Xareed waxaana isku fara saaray Ciidanka Dawlada Kenya oo Diyaarado Watay iyo Ciidanka Al Shabaab.
Duqeyn Diyaaradeed ayuu Dagaalka ku bilowday waxaana lasoo warinayaa in markii dambe Dagaal isku badelay fool ka fool ah oo khasaaro iskugu jiray.
Dadka deggan Deegaankaasi waxay sheegeen in ay Hub Culus ka maqlayeen Xaafadahooda Khasaarahana aysan Ogaan Karin.
Dhowr Qof oo Meyd Ah ayaa lagu Arkay Maanta Juungal oo katirsan GobolkaGedo  una dhaw Deegaanka Cali Xareed.