Dagaalkii Ingiriisku Sayidka ku Jebiyay..Q.2aad W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
74

Dagaalkii Ingiriisku Sayidka ku Jebiyay..Q.2aad
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qaabkii Hawlgalka
• Ciidanka koowaad waxa loogu talo galay in uu Dhuur Cillaan ka ambabaxo oo Ceel-afweyn maro oo Mirashi iyo xaruntii beegsado
• Ciidan waxa loogu talo galay in uu Burco ka baxo oo Caynabo iyo Nugaal maro oo Taleex galo
• Ciidan waxa loogu talo galay in uu badda maro, kadib Laas qoray ka dego, kana baxo oo qalcaddii Badhan galo, daraawiishtana dhanka Bari ka xidho hadday isku dayaan in ay u qaxaan.
Ciidanka baddu wuxuu ka koobnaa saddex markab oo kala ahaa: Arka Royal oo Masar laga keenay, Odin iyo Cliyo. Ciidanka cirka oo ka koobnaa 8 diyaaradood.
26/1/1920-kii ayey ciidankii Milateriga Ingiriisku oo tiradiisu lagu sheegay 700 oo askari, ay haraareeyeen daartii Jiidali oo midhashi gaadh ka ahayd. Dhulku waa cidla oo shalay iyo habeen hore ayaa laga qaxay, hasa yeeshee wararka Ingiriiska loo soo gudbinayaa wuxuu sheegayaa in daarta Jiidali ciidan Daraawiish ah oo xoogani joogto.
11: 00 subaxnnimo ee isla maalintaasi ayay ciidankii Ingiriisku isku xeereen daartii Jiidali. Markii ay ciidanka Ingiriisku meel kasta ka eegeen ayey cid ka waayeen, ka dib waxa ay ciidankii Ingiriisku diirad ku eegeen dhulka bannaanka ah, ka dib wax ay arkeen wax dad la moodo oo soo socda meel Ceerigaabo ka sokaysa, waana la sugay, wuxuu noqday nin la odhan jiray Muuse Ismaaciil iyo gabadh uu dhalay, ka dib waa la waraystay, waxa aanu sheegay in Sayidku tegay oo habeen hore uu kaga soo noqday xaddeedka Ceeldheero bari ka xigta isaga oo wata 40 nin oo faradooley ah, dadkii dhulka joogayna way ka daba guureen. Ka dib si nabad ah ayuu Ingiriisku ula wareegay daartii Jiidali.
Dagaalkii Ceeldheero
Dagaal culus ayaa ka bilaabmay Ceeldheero, goobtani waxa ay ahayd marin ay ka bixi jireen ciidankii Daraawiishtu. Ciidankii Ingiriiska ayaa xidhay marinkan, waxa aan goobtan isku farasaray Daraawiishtii iyo Ingiriiska. Aw Cabdille oo madax ka ahaa daartii Cirshiida oo badda cas ku foorarta, ayaa sheegay in ciidankii Ingiriisku marinkayagii Ceeldheero xidheen, waananu ku dagaalanay, hasa yeeshee wixii adduunyo ahaa ee aanu wadannay ee kala ahaa, Geel, Fardo, Adhi, Aqal, Soor lama tirin karee wuu naga qabsaday, annagoo caydh ah ayaanu Nugaal ku dhacnay, Sayidkiina jeex Buuxiso ah oo Hawd ah ayaanu ugu tagnay.
Dhinaca Ingiriiska waxa uu sheegay wixii halkaasi ka dhacay iyo waxa ay qabsadeen.” Waxa aanu Ceeldheero ku qabsanay, dad badan oo wadaadka reerkiisii ka mid ah, iyo afhayeenkiisii, dhar iyo dahabkiisii. Sidoo kale waxa ka mid ahaa 1,400 oo Lo’ ah, 50 Faras, 51 Rifles (Qori), 2,00 oo alaab qaali ah iyo 300 oo Awr sahay ku raran tahay. Sayidkuna markuu tilmaamayey wixii meeshaasi ka dhacay waa kii lahaa:
Anigoo wax aan doonayaba, derejaday haysta iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero Dad wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey Dumbukh sumuca degelkaan ka kacay, dahab wixii yiilley Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifey Diric iyo waxay sheekh dileen, ama duq waayeela, maxajabad daboolayd wuxuu gaal dukhuulaayey.

Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
Calicoomay@hotmail.com
Tixraac:
Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005.
La soco… Qaybaha dambe.