Danjirayaasha Caalamka Ujooga Somaliya Oo Isku Dayaya In Xal Laga gaadho Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxwaynaha Somaliya.

0
412

Danjirayaasha Caalamka Ujooga Somaliya Oo Isku Dayaya In Xal Laga gaadho Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxwaynaha Somaliya.

Muqdisho(Warsugannews)Safirrada Dalalka Caalamka Qaarkood u Fadhiya Somalia ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in la isku keeno madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaannadii ka keenay Mooshinka in xilka looga qaado lagu doonayo.

Danjiraha Wadanka Sweden u jooga Soomaaliya, Makail Lindval ayaa arrintan kala hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”iyo xubnaha kale oo arrintan ay khuseyso.

Sidoo kale, Danjire Makail Lindval ayaa Sheegay in Mooshinkan Madaxweyaha Somalia laga keenay uu Walaac Xooggan ku hayo Beesha Caalamka, isagoo ka dalbaday Jawaari in uu arrintan fara-gelin ku sameeyo si qaab wadahadal ah loogu dhameeyo.

“Xukuumadda Sweden waxay jeclaan lahayd in walaac ay Mooshinka Madaxweynaha DF laga keenay ka Muujinayaan lagu dhameeyo

Wadahadal,” ayuu Danjire Makail Lindval ka sheegay kulanka uu la qaatay Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cimaan Jawaari ayaa dhankiisa u sheegay danjire Lindval in Soomaaliya ay leedahay Dastuur iyo Sharciyo ay ku maareyn karto Arrintan oo kale.

Dhanka kale, Safiiradda Britain ee Soomaaliya, Harriet Mathews ayaa dhawaan kulan ay la qaadatay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Waxay ku Sheegtay in Beesha Caalamka ay ka digayso in Mooshinkan uu Somalia geliyo Khilaafyo Siyaasadeed oo Cusub.

Ugu dambeyn, Xildhibaanno Tiradoodu gaarayso 93 yaa bishii hore ee August u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ku xuseen eedeymo ay ka mid yihiin in Madaxewynuhu ku xad-gudbay Qodobbo ka mid ah Dastuurka Dalka

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here