Dastuurka Somaliland iyo Diinta Islaamku waxay ka qabto Xaaraanta Ribadda ka hadlaaya

0
532

Ribada muxuu ka qabaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland % Quraanka kariimku.
Ribada muxuu ka qabaa
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Quraanka kariimku.
Axaadiis-ta rasuulku (SCW)
Sideynu ka war-qabno waxa dhawaan la hor keenayaa golaha wakiilada an-sixinta xeerka bangiyada ribada ku shaqeeya. Somaliland-na waa dal islaama oo dastuurkiisa ay ku qoran-tahay reebanaanta xeer kasta oo ka hor imanaya diinta islaamka. Sida ku qodobka 5-aad faqradiisa 2-aad ee dastuurka JSL.
QODOBKA 5AAD
DIINTA
2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda. Sidoo kale waxa iyana ku cad dastuurka JSL. Qodobka 14-aad faqradiisa 3-aad. Wuxuu si aan mad-madaw ku jirin u mam-nuucayaa ribada & macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada.
QODOBKA 14AAD
CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA
3.Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.
Hadaba markaynu ka nimaad-no qodobada mamnuucaya ribada ee dastuurkeena. Muxuu alle (SWT). Ka yidhi ribada iyo waxa Ka iman Kara hadiiba la qaadan waayo amarka alle.
ايات القران التي تتكلم عن: الربا
Alle subxaanah wuxu yidhi; kuwa ribada cunaa waxay ka dhigan-yihiin markay kacayaan sidii qof shaydaan dar-darey Oo kale, iyagoo sidaasa ayay yidhaahdeen wax kala iibsigu Wuxuu la mid yahay ribada Oo waxba kuma kala duwana. Ilaahayna wuxuu inoo xalaaleeyay wax kala iibsiga Sidoo kale Wuxuu Inaga xaaraam-yeelay macaamilada ribada. Aayadda ku sii xigtaana Waxay Iyana sheegaysaa in ilaahay tirtiro baabiiyana ribada, Waxaanu barakeeyaa kobciyaana sadaqada.
Sidoo kale aayadda ku sii xigtaana Waxay ina faraysaa inaynu ka tagno baaqiyada ribada.
الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا وَأَحَلَّ اللَّهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا فَمَنْ جَاءَهُ مَوْعِظَةٌ مِنْ رَبِّهِ فَانْتَهَى فَلَهُ مَا سَلَفَ وَأَمْرُهُ إِلَى اللَّهِ وَمَنْ عَادَ فَأُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (275) يَمْحَقُ اللَّهُ الرِّبَا وَيُرْبِي الصَّدَقَاتِ وَاللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ كَفَّارٍ أَثِيم(ٍ276) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَذَرُوا مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبَا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ (278)
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا الرِّبَا أَضْعَافًا مُضَاعَفَةً وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ (130) آل عمران
وَمَا آتَيْتُمْ مِنْ رِبًا لِيَرْبُوَ فِي أَمْوَالِ النَّاسِ فَلَا يَرْبُو عِنْدَ اللَّهِ وَمَا آتَيْتُمْ مِنْ زَكَاةٍ تُرِيدُونَ وَجْهَ اللَّهِ فَأُولَئِكَ هُمُ الْمُضْعِفُونَ (38)(الروم)
Hadaba markaynu qaadan wayno amarka alle ee masaalix-deenu ku jirto maxaynu filanaa!. U diyaar-sanaw dagaal aad la gashay khaaliqul kawn iyo rasuululaahi muxamad (SCW). Wallee kabtii ma yeelna nin Ilaahay dagaal kula jiraa.
فَإِنْ لَمْ تَفْعَلُوا فَأْذَنُوا بِحَرْبٍ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَإِنْ تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُءُوسُ أَمْوَالِكُمْ لَا تَظْلِمُونَ وَلَا تُظْلَمُونَ (279)
Haddaynu halkaa ku dhaaf-no aayadihii ka hadlayay ribada iyo waxa Ka iman Kara marka amarka alle la qaadan waayo.
Rasuulkeena suubani (SCW). Muxu ka yidhi ribada;
Rasuulku wuxuu inooga digay todobada lagu halaag-samo.
1. Shirkiga.
2. Sixirka.
3. Naf aan waxba galabsan oo la dilo.
4. Cunista xoole agoomeed.
5. Cunista ribada.
6. Maalinta raggu is haleelo Ood dhabarka jeediso (maalintay xiniiyo tahay). &
7. Wax aan jirin ka sheega dumarka dhawrsan ee alle rumeeyay.
الأحاديث في صحيح الامام مسلم التى وردت فى الربآ
عَنْ أَبِى الْغَيْثِ عَنْ أَبِى هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ -صلى الله عليه وسلم- قَالَ « اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ ». قِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَا هُنَّ قَالَ « الشِّرْكُ بِاللَّهِ وَالسِّحْرُ وَقَتْلُ النَّفْسِ الَّتِى حَرَّمَ اللَّهُ إِلاَّ بِالْحَقِّ وَأَكْلُ مَالِ الْيَتِيمِ وَأَكْلُ الرِّبَا وَالتَّوَلِّى يَوْمَ الزَّحْفِ وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْغَافِلاَتِ الْمُؤْمِنَاتِ».
Waxa kale Oo uu rasuulku (SCW). Nac-dalay;
1. Ka ribada cuna.
2. Ka u macmiilka ah.
3. Ka qora iyo
4. Ka markhaatiga u ah.
عن جابر بن عبد الله رضي الله تعالى عنهما قال: «لعن رسول الله صلى الله عليه وسلم آكل الربا وموكله وكاتبه وشاهديه»
Sidoo kale wuxu rasuulku (SCW) inoo bayaamiyay meelaha ay ka iman Karto ribadu macaamilada wax kala iib-siga. Waxaanu inaga reebay isku iibinta laba shay Oo isku mida sida dahah dahab lagu iibiyo iyagoo kala badan & wixii la mida.
وحدثنا قتيبة بن سعيد حدثنا يعقوب يعني بن عبد الرحمن القاري عن سهيل عن أبيه عن أبي سعيد الخدري أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : (لا تبيعوا الذهب بالذهب ولا الورق بالورق إلا وزنا بوزن مثلا بمثل سواء بسواء).
حدثنا قتيبة بن سعيد حدثنا ليث ح وحدثنا محمد بن رمح أخبرنا الليث عن نافع أن بن عمر قال له رجل من بني ليث إن أبا سعيد الخدري يأثر هذا عن رسول الله صلى الله عليه وسلم في رواية قتيبة فذهب عبد الله ونافع معه وفي حديث بن رمح قال نافع فذهب عبد الله وأنا معه والليثي حتى دخل على : (أن رسول الله صلى الله عليه وسلم نهى عن بيع الورق بالورق إلا مثلا بمثل وعن بيع الذهب بالذهب إلا مثلا بمثل فأشار أبو سعيد بإصبعيه إلى عينيه وأذنيه فقال أبصرت عيناي وسمعت أذناي رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول لا تبيعوا الذهب بالذهب ولا تبيعوا الورق بالورق إلا مثلا بمثل ولا تشفوا بعضه على بعض ولا تبيعوا شيئا غائبا منه بناجز إلا يدا بيد).
قال صلى الله عليه وسلم- جاء بلال إلى
النبي صلى الله عليه وسلم بتمر برني ، فقال له النبي صلى الله عليه وسلم : ( من أين هذا ) . قال بلال : كان عندنا تمر ردي ، فبعت منه صاعين بصاع ، لنطعم النبي صلى الله عليه وسلم ، فقال النبي صلى الله عليه وسلم عند ذلك : ( أوه أوه ، عين الربا عين الربا ، لا تفعل ، ولكن إذا أردت أن تشتري فبع التمر ببيع آخر ، ثم اشتر به ) .
الراوي: أبو سعيد الخدري – خلاصة الدرجة: [صحيح] – المحدث: البخاري – المصدر: الجامع الصحيح – الصفحة أو الرقم: 2312
Ciqaabka qofka ribada cuna
Rasuulka ayaa yidhi (SCW). Xalay waxa lay-tusay inta la’i-dheelmiyay ayaanu tag-nay ilaa aanu nimid wabi dhiig ah. Wabiga Waxa ku jira nin taagan, webiga badh-tankiisana waxa taagan nin hortiisa ay yaalaan dhag-xaan. Mar kasta oo uu doono ninkaasi Inuu ka baxo webiga ninkii kale ee dhag-xantu horyaaleen ayaa dhagax ku tuura, markuu dhagaxa ku tuurana. Dhagaxaasi wuxuu ku celiyaa halkii uu ka soo dhaqaaqay ee uu markii hore taagnaa. Sidaas oo joogto ah ayaa lagu sameeyaa markas-tuu isku dayo Inuu ka baxo webiga. Rasuulku wuxuu yidhi Waxaan idhi muxuu ahaa ninkaasi?. Malakul jibriil ayaa ugu jawaabay; ninkii webiga ku jirey ee Ninka kale dhagaxa la dhacayay wuxuu ahaa kuwii ribada cuni jirey.
قال صلى الله عليه وسلم رأيت الليلة رجلين أتياني ، فأخرجاني إلى أرض مقدسة ، فانطلقنا حتى أتينا على نهر من دم ، فيه رجل قائم ، وعلى وسط النهر رجل ، بين يديه حجارة ، فأقبل الرجل الذي في النهر ، فإذا أراد الرجل أن يخرج رمى الرجل بحجر في فيه ، فرده حيث كان ، فجعل كلما جاء ليخرج رمى في فيه بحجر ، فيرجع كما كان ، فقلت : ما هذا ؟ . فقال : الذي رأيته في النهر آكل الربا
الراوي: سمرة بن جندب – خلاصة الدرجة: [صحيح] – المحدث: البخاري – المصدر: الجامع الصحيح – الصفحة أو الرقم: 2085
Ciqaabka uu leeyahay hal dirham Oo ribo ah oo aad cunto adigoo og inuu yahay ribo.wuxuu ilaahay agtiisa kaga daranyahay (36) qof Oo sinaystay denbiga ay leeyihiin.
قال صلى الله عليه وسلم- درهم ربا يأكله الرجل ، و هو يعلم ، أشد عند الله من ستة و ثلاثين زنية
الراوي: عبدالله بن حنظلة بن أبي عامر – خلاصة الدرجة: صحيح – المحدث: الألباني – المصدر: صحيح الجامع – الصفحة أو الرقم: 3375
Ribadu Waxay u kala baxdaa (73) nooc Xaga denbiga.
Teeda ugu sahlan xaga debiga, Waxay la denbi tahay ninka Oo guursada hooyadii.
Ta ugu sareysa xaga denbiguna waa sharafta qofka Oo aad ribayso.
Subxaanallaah.
قال صلى الله عليه وسلم- الربا ثلاثة و سبعون بابا ، و أيسرها مثل أن ينكح الرجل أمه ، و إن أربى
الربآ
عرض
الرجل
Hadaba maxay noqonaysaa natiijo ciqaabeedka Ka iman karta xumaha iyo dunuubta ay sameeyaan shakhsiyaad ka mida bulsho weynta.
Ilaahay quraankiisa wuxuu ku yidhi; Waxaad ka baqataan (cabsataan) balaayo aan ku dhacayn Intii samaysay ee idinka midka ahay Oo qudha ee idin Wada saamaysa. Waxaanad ogaataanna in ciqaabka Alle yahay mid daran (kulul).
وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْكُمْ خَاصَّةً وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ (25)(الأنفال)
Talo soo jeedin.
Waxaan u soo jeedinayaa bulsho weynta in reer waliba gaar ugu yeedho inta kaga jirta golayaasha Oo ay kala hadlaan in aanay ansixin wax alle inaga mam-nuucay oo reebay.
Waxaanan Ilaahay uga baryayaa xildhibaankii gacanta u taaga ansixinta shay ilaahay inaga xarimay inay gacantu qalasho bi’idnilaah, idinku aamiinta i raaciyay nin lagu jiraba allaa oge.
جزاك الله خيراً كثيراً!
Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi