Dawladda Soomaaliya Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Askar Soomaali Ah Oo La Sheegay In Lagu Laayey Dagaalkii Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya

0
340

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo xalay la hadlayay Telefishinka SNTV ayaa waxba kama jiraan ku tilmaameen wararka sheegaya in Ciidan Soomaaliya oo hore dowladdu tababar ugu dirtay dalka Eritrea ay ka dagaalameen Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidanka xoogga dalka laga dhex raadiyo arrimo siyaasadeed, isagoo xusay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray”ayuu yidhi Wasiir Dubbe.

“Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan”ayuu yidhi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay caddeeynayaan in Ciidan Soomaaliya u tababaraya dalalka ay u dirtay goob kale oo dagaal.

Wasiirka ma soo hadal qaadin dalkaas, sidoo kale waxaa uu afka ka ilaaliyay inuu magac dhabo dalka Eritrea oo horay dowladda Soomaaliya tababar ugu dirtay boqolaal askari.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo aaday, iyadoo walaac iyo walbahaar ka muujiyeen waalidiin wiilashooda war iyo wacaalkooda la’aa muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo ugu war dambeysay tababar ay bilo ka hor dowladdu ugu qaaday dalka Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here