Dawladda Sucuudiga Oo Joojisay Xoolihii Soomaalida Ee Dalkeeda Loo Dhoofin Jiray.

0
365

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay si ku meel gaadh ahu joojisay xoolihii nool ee kaga imaan jiray dhulka Somalida.

Qoraal ay Khamiistii soo saartay Wasaaradda Beeraha Sacuudiga, ayaa waxaa lagu sheegay in si ku meel gaadh ah lagu hakiyay dhammaanba soo dhoofsashada xoolaha Somalida.
Wasaaradda Beeraha, ayaa waxay qoraalkan u qaybisay dhammaanba dhinacyada ay khuseyso, inkastoo aan qoraalka lagu cadayn mudada ay ku egtahay hakinta xoolaha Somalida.
Nuux Daahir oo ka mid ah ganacsatada Somalida ee xoolaha nool geysa Boqortooyada Sacuudiga, ayaa wuxuu xaqiijiyay qaraarka uu Sacuudigu ku hakiyay xoolaha nool.
Nuux Daahir oo ku sugan Magaalada Jeddah, ayaa sababta loo hakiyay xoolaha ku sheegay, ka dib markii dhawr jeer uu Sacuudigu dib ugu celiyay Somaliya xoolaha, arrimo ku aadan caafimaadka xoolaha.
Nuux oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in qaraarkan uu saamayn ku yeelan doono dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xoolaha Somalida, iyadoo ganacsiga xoolaha uu lafdhabar u yahay dhaqaalaha umadda Soomaalida.
Tallaabada uu Sacuudigu ku joojiyay xoolaha nool ee looga keeno Deegaanada Somalida, ay waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo xilli adag lagu jiro, oo abaaro baahsana ay ka jiraan geyiga Somalida.