Dawladda Taiwan Oo dhaqaale Gaadhaya Laba Milyan Oo Dollarka Mareykanka Ah Ku Bixisay Qabashada Doorashooyinka Somaliland

0
398

Dawladda Taiwan, ayaa siisay Jamhuuriyadda Somaliland lacag laba Milyan oo dollarka Mareykanka ah oo ay ugu talo gashay in ay kaga qayn qaadato Doorashooyinka is isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo in ay qabsoomaan bisha May ee sannadkan.

Taiwan oo dhawaan xidhiidh dublamaasiyadeed oo cusub la yeelatay Simaliland, ayaa waxa ay xaga hore ka gashay dalalka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, iyada oo toos u bixisay lacagtan laba Milyan ee dollar ah, oo aan cid kale soo marin.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo ah Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani, ayaa lacagtan Taiwan bixisay ka dhawaajiyey markuu ka warbixinayey kulan ay la yeesheen Safiirro iyo dublamaasiyiin ka socday dalalka caalamka ee Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Dhinaca kale Midowga Yurub, Sweden iyo Ingiriiska, ayaa iyagu lacag gaadhaya lacag Milyan oo dollar ku bixinaya qabashada doorashada Wakiillada iyo Deegaanka iyo weliba hawlaha diiwaan gelinta ee socda.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu Laba Milyan oo kale ku bixinaysa hawlaha doorashooyinka iyo diiwaan gelinta, iyada oo Xukuumaddu bixisay inta badan dhaqaalihii diiwaan gelinta socota lagu qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here