Da,yartii Waxa Ay Meel Kula Xerooddaan Macalikii Xumaa !!

0
427

Da,yartii Waxa Ay Meel Kula Xerooddaan Macalikii Xumaa !!

Muwaadin kasta oo ku nool wadan shuruuc iyo dasrtuur le waxaa ku haboon .

In uu lasocdo baarlamaaka wadankaasi leeyahay. xeerarka uu ansixiyay iyo qaabka loo hirgaliyay ama loo dhaqan galiya,

Hadii aan la hirgalina waa in la isa su,aalaa oo la is weydiiyaa Xaguu ku danbeeyay xeerkaa uu baarlamaanku ansixiyay Maxaase kaabis lagu sameeyay ama wax kabadal lagu sameeyay?.

Qormadeydan maanta waxaa igu dhaliyay markii aan arkay wadankeena Somaliland oo caruurtii da,doodu u dhaxaysay

15-jir ilaa 18 ay xabsiyadda Somaliland ka buuxaan iyaga oo loo haysto danbiyo kala duwan . waxaan isweydiiyay baarlamaanka Somaliland intii uu jiray xeer ma ka soo saaray garsoorka caruurta ? Haa ayey noqotay jawaabtii .waxaan akhriyay xeerkaa oo la ansixiyay 22/03/2008, xeerka oo loogu magacdaray Xeerka.

Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruurta LR-36 2007

Markii aan arkay xeerkaa nidaamka garsoorka caruurta

Aadna aan uga bogtay waxaa iiga soo baxay in aan halkiisii lag soo qaadin oo uu na dhaqangalin xeerkaasi . waayo maxkamada marka lahorkeeno ilmaha danbiilaha ah .xeerku waxa uu farayaa in looqabto qareen garanaya nidaamka garsoorka caruurta .

Booliska soo qabtayna waa in uu ku wareejiyaa baadhe garanaya nidaamka garsoorka caruurta

Xeerkani waxa uu qeexayaa in ilmaha lagula xidhi kareyn meel dadka waaweyn .maanta waad arkeysaan wadanku in aanu lahayn jeel loogu talagalay caruurta aan wali qaan gaadhin.

Waxaa meel lagu wada xidhayaa nin weyn oo caadeysta ah oo ilaa 40-sanadood danbiyo kala duwan soo galayay oo noloshiisaba aan ka bixin jeel.

Xeerku waxa uu qeexayaa in ilmaha lagu xidho xabsi da,yarta ugaar ah oo uu helaa waxbarasho kala duwan oo loogu dhaqan celinayo.

Hadaba jeelasha waxaa ka wada buuxa ragg waaweyn oo caadeystay tuugadda balwadaha kuwoodda ugu xun xun ilaa wakhti badana wax uu dhaco iyo cid uu toori ladhaco uun ku soo jiray.

Hadaba ma odhankareynaa halkaa waxaa ka soo baxaya jiil soo qaatay waxbarsho tii ugu xumeeyd oo uu soo siiyay macalin xun oo aan samo waligiiba ku ceeshin.

Mase odhan kareynaa waxaasi waxa ugu wacan waa cid xiligaa wadanka Taladiisa haysa ama baarlamaanka -gudiida uqaabilsan caddaalla ayaa ah kuwa ka dhacsan oo aan hoos u eegin xeerkaa in uu dhaqan galay iyo in kale .maxaase nala gudboon haddii aanu nahay bulshadii wadankan lahayeyd?

Waxaa nalagudboon in aanu hoos u eegnaa shuruucdda wadanka udegsan in ay waxaasi hirgaleen iyo in kale ama la sameeyaa guddi qaran oo uqaabilsan shuruucdaa wadana loo sameeyay oo ku la xisaabtama xukuumadda iyo dadweynaha ma dhaqn galeen ama mey dhaqan galin shuruucdaa .

Hadii kale waxaa ka soo baxaya wax aan la filayn sida dhalintan da,yar ee meel loogu geeyay macalikii xumaanta .

WABILAAHHI TOWFIIQ

Qalinkii Cabdiqaadir ismaaciil (askar)

Askars4@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here