Deegaano Ka Tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya Oo Maanta Aan Laga Soomin

0
293

iyadoo Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan oo Dunida Muslimka si wada jir ah looga wada sooman yahay ayaa deegaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya aan laga soomin maanta.

 

Wararka aanu ka heleyno Magaalooyinka Guriceel, Xeraale, Matabaan iyo qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka deegaanka qaarkood ee halkaas kunool ayna Maanta soomin.

Qaar kamid ah Culimada ku sugan Guriceel, Xeraale iyo Matabaan ayaa sheegay in ayna xalay bilashada Bisha Ramadaan arkin, isla markaana Maanta ay tahay 30-ka bisha Shacbaan, iyadoona maalinta berri oo Arbaco ah kow tahay Bisha Ramadaan.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aan Maanta laga soomaneyn, waxaana dad ku sugan halkaas ay tilmaameen in xalay la arki waayay Bisha Ramadaan oo Maanta ay u tahay 30-ka Shacbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here