Deg-deg: Daawo Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Dhaartii Distooriga Ahayd Ku Gutay Madaxweynaha Qaranka Hortiisa Hortiisa+ Sawiro

0
627

Xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Dhaartii Distooriga Ahayd Ku Gutay Madaxweynaha Qaranka Hortiisa Hortiisa

Hargeysa-25-01-2018-(WSN)-Xubnaha golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhaarta distuuriga ku gutay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa hortiisa maanta, waxaana dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare Prpf. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Dhaartan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, isla markaana uu waajibinayo qodobka 129-aad ee distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana ay dhammaanba golaha wasiirradu iyaga oo baabacada midig ku haya kitaabka Qur’aanka kariimka ah ay ku dhaarteen inay daacad u noqon doonaan Diinta Islaamka, Dadka iyo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddada ay xilka hayaan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo hadal kooban madasha ka jeediyey, ayaa sheegay inay dhaartu tahay waajib la mariyo cid kasta oo qaranka xil u qabata, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waxa aynu fulinaynaa qoddob distoorkeena katirsan oo ah qoddobka 129-aad oo sheegaya dhaarta distooriga ah, waana dhaarta qofkasta oo masuuliyad qaran haya ay waajib tahay in la mariyo, ama distoorku ha sheego amaba xeer ha sheego’e, idinkoo horena u maray dhaartii ahayd ilaalinta xogta xukuumadda.”