Deg-deg: Golaha Wasiirada Somaliland Oo Digniin adag u diray Beesha Caalamka kana hadlay xuquuqda ay Xaqa u leeyihiin

0
437

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Digniin adag u diray Beesha Caalamka kana hadlay xuquuqda ay Xaqa u leeyihiin
WAR-SAXAAFADEED: 26 /12/2019

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta iyo Go’aamadii Ka Soo Baxay.

Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee
xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reebban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.