Deg-deg: War-murtiyeedka Shirka Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
769

War-murtiyeedka Shirka Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

22 June 2020

Iyada oo la tix-raacayo Shirkii Wada-tashiga Heerka Sare ahaa ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay Jabuuti 14 June 2020, ayna hogaaminayeen dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya iyo Somaliland, Guddidii Heer Wasiir ee Wada-hadallada ee ay magacaabeen hogaamiyeyaashu waxa ay kulmeen 15-17 June 2020.

Wufuuddii heer wasiir ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay si diiran iyo jawi walaalnimo ku falan-qeeyeen arrimaha laga wada-hadlayey, iyada oo uu goob-joog yahay Dhex-dhexeediyaha shirka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti iyo Fudaydiyayaashii shirka ee ka socday Dalka Maraykanka iyo Ururka Midowga Reer Yurub.

Waxa lagu heshiiyey in Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadallada ee ka kooban 14-ka xubnood ee dhawaan la yagleelay, Soomaaliyana uu hogaaminayey Mudane, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka Somaliland uu hogaaminayey Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Arrimaha Dibedda, ay hogaamin doonaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya hadda wixii ka dambeeya.

Muddadii saddexda cisho ahayd ee ay socdeen wada-hadalladu, labada dhinac waxa ay is-waydaarsadeen aragtiyo dhawr ah oo ku saabsan arrimo xasaasi ah. Waxa ay ku heshiiyeen nidaamka si wada-jir ah loogu wadi karo wada-hadalka (Common Conduct of Meetings), iyaga oo ay taageerayaan Dhex-dhexaadiyaha iyo Fudaydiyayaasha shirku. Waxa ay muddo dheer ka doodeen tallaabooyinka lagu dhisi karo kalsoonida oo fure u ah horumar kasta oo laga sameeyo wada-hadallada. Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in ay ka fogaadaan ficil kasta oo marin-habaabinaya wada-hadallada.

Marka laga hadlayo gar-gaarka bini-aadamnimo iyo deeqaha dhinaca horumarka, labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen mabdi’iyan in aan la siyaasadayn arrintan, faah-faahinta arrintan waxa loo dhaafay Guddi Hoosaad Farsamo oo ka soo shaqaysa. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo  arrinta hawada.

Waxa intaas dheer, waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in la yagleelo Guddi Hoosaadka Farsamo ee dhinaca amniga si ay uga xaalaan arrimaha la xidhiidha amniga. Dhammaan Guddi Hoosaadyadan Farsamo waxa ay muddo laba wiig ah gudihii ku kulmi doonaan Jabuuti si ay uga shaqeeyaan in hore loo socdo iyo fulinta qodobbadii lagu heshiiyey.

Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadalladu waxa ay dib ugu kulmi doonaan muddo 45 cisho gudaheed ah Jabuuti si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan war-bixinaha Guddi Hoosaadyada iyo guud ahaan horumarka wada-hadallada. Ugu dambayn, labada dhinac waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay daruuri tahay in la joogteeyo wada-hadalka iyo in lagu dhex shaqeeyo jadwal shaqo oo leh wakhti cayiman oo la isla ogol yahay si looga gaadho is-fahan wada-jir ah dhammaan arrimaha taagan iyo arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

War-murtiyeedku waxa uu ka soo baxay dalka Jabuuti, 22 June 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here