DEG DEG:Diyaarad Drone Ah Oo Ku Dhacday Deegaan Hoostaga Sh/hoose

0
606
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2015-07-22 18:44:42Z | | Lÿÿÿÿ

WAR SUGNA SHABELDA HOSE} Wararka Goobjoog News ay ka heleyso degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramaya in diyaarad nuuca wax basaasa ay ku dhacday degaankaasi.Dadka degaanka oo la hadlay WAR SUGAN NEWS waxay sheegeen in diyaaraddani Drones-ka ahayd ay qaateen Alshabaab.
Dagaalyahannada Alshabaab ayaa furfuray oo dabadeedna baabuur ku qaatay diyaaraddaasi ku dhacday degaanka Bariirre.
War Xarakada Alshabaab ay ku baahisay barta Internetka ayay ku sheegtay in diyaaraddaasi ay gacanta ku dhigeen islamarkaana ay leedahay dowladda Maraykanka.
Dadka degaanka ayaa cabsi aad ah muujinaya oo ku aadan in ciidamada AMISOM ay gaaraan degaankaasi oo hadda u jira qiyaas dhan 10KM, waxaana diyaaradahani muddooyinkii dambe ay weerarro qorsheysan lagaga fulinayay degaannada Alshabaab kaga sugan yihiin Shabeellaha Hoose.
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidamo caddaan ah oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Maraykanka iyo kuwa Soomaali ah ay weerar ku ekeeyeen degaanka Tooratoorow oo ay maamusho Alshabaab.