Dhaqaale Xumo Soo Food Saartay Xisbiga WADDANI iyo Gudoomiye Cirro Oo Gunti Giijis Ku Jira

0
350

Dhaqaale Xumo Soo Food Saartay Xisbiga WADDANI iyo Gudoomiye Cirro Oo Gunti Giijis Ku Jira

Shacbiga Oo Beryahan is Waydiinaya Xagga Uu Ku Dambeeyey Ololihii Siyaasadeed Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (Warsugan) Xisbiga WADDANI ee mucaaridka ah ayaa waxa la soo darsay xaalad dhaqaale xumo mudooyinkii la soo dhaafay. Ilo wareedyo u dhuun dalool xisbiga WADDANI ayaa Warsugan la wadaagay xogo ka soo kordhay dhanka miisaaniyadda xisbiga.
Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa walaac weyn ka muujiyey xaaladda dhaqaale ee xisbiga, kadib markii uu ku baaqay in gunti giijis dhaqaale oo xoogan la galo, waxana uu soo jeediyey in la helo dhaqaale lagu sii maamulo xisbiga, isagoo hoosta ka xariiqay in la xaraasho guryaha ay ku jiraan masuuliyiinta xisbigu ee goboladda dalka, halka uu haweenka ugu baaqay inay guntiga dhiisha iskaga xidhaan, soona xaraashana dahabkooda.

Xisbiga WADDANI waxa uu meesha ka saaray sidii uu hore uu dhaqanka uga dhigtay inuu ilaabo danyar uu hore u caawin jiray iyo barnaamijkiisii la afur WADDANI oo bishii la soo dhaafay meesha ka baxay, iyagoo ay ku xisaabtameen dad dan yar ah oo hore uga qayb qaadan jiray barnaamijkaas.

Hoos u dhaca dhaqaale ee soo food saaray xisbiga WADDANI waxa uu galaaftay oo uu meesha ka saaray warbaahintii uu la hadli jiray, waxana xili warbaahinta uu joogto ula hadlo ugu danbaysay xiligii uu joogay Boobe Yuusuf Ducaale. Sidoo kale waxa meesha ka baxay ku biiritaankii garabka KULMIYE ka baxay oo WADDANI qorsheeyey inay ku soo biirayaan bacda Ramadaan siday ku baahiyeen baraha Bulshada iyo warbaahintaba, taas oo guud ahaan noqotay mid ay u suurto galin wayday waxba ka ma jiraana ay ka soo qaadeen garabkii ay sheegeen inuu ku biirayo, ee ay taageerayaashooda ugu bushaareeyeen inay xaflad balaadhan u soo diyaar garoobaan. Wararka ku soo biiritaanka waxa mar danbe beeniyey isla xisbiga WADDANI iyagoo aan sheegin sabab cad oo muuqata, balse lala xidhiidhiyey xaaladda dhaqaale xumo ee soo food saartay.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa mudooyinkii u danbeeyey safaro ku soo maray wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, isaga oo xooga saaray sidii xisbigu kaalintiisa dhaqaale uu kor ugu soo kicin lahaa, iyadoo horena xisbiga loogu eedeeyey inuu dhaqaalaha ololaha uu ku galo kala baxo qasnada Golaha wakiilada oo uu horjooge u yahay Gudoomiyaha Xisbigu, marka uu doonana uu furaya Xisbiga geliyo qasnadaasi, haseyeesha wakhtigan waxay u muuqataa inay taasi salka ku hayso, xaalada dhaqaale daro.

warar xogogaala oo aanu ka helnay ilahaasi ayaa sheegaya in gudoomiyuhu indhawaydba ka caga-jiidayey arrimaha golaha wakiilada una batay dhinaca dhaqaale raadiska xisbigiisa, iyadoo ay dhawaan uun ahayn markii shir qaran oo ka qabsoomay madaxtooyada lagu gorfeeyey in wakiiladu dardargeliyaan sharci ay meel marintiisa ka cago jiideen ahaydna inay wakhtigan ka hor baasmareeyaan kaasi oo ahaa kala xadaynta xubnaha wakiilada u metelidoona gobolada dalka, oo ilaa hadda aanu meel dhigin gudoomiye Cirro, shacbiguna u dheg taagayo, dhawaqiisa.
Source Wargeyska Warsugan