DHIBTA LA WADAGAAYE,DHEEFTA REERNIMO MID KOOD KU HELO,WADAAG MAHA’E WAA KU KALIGOOD!!! SHEEKO XIISO BADAN W/Q MAXAMED SALEBAAN

0
384

DHIBTA LA WADAGAAYE,DHEEFTA REERNIMO MID KOOD KU HELO,WADAAG MAHA’E WAA KU KALIGOOD!!! SHEEKO XIISO BADAN W/Q MAXAMED SALEBAAN

Nin asxaabta ka tirsan baydun maalin isla soo hadal qaadeen siyaasadda dalka ka hadalkeeda. Waydun ku kala aragti fogeydeen markii aydun soo gaadheen saddexda musharax.

“Musharax afraad oo madaxbanaan baa dalku u baahan yahay” baad tidhi. “Kii saddexaad ba lama hayo ee horta musharax labadooda saddexeeya miyaanay ka horrayn helidda mid afraad oo aan haabka sharciyeed ee dalkaba aan haysanin!!!” Inta aad indhaha ku uruurisay baad muujisay sida aad u diiday dala’siga musharaxa saddexaad ee ka socda xisbiga saddexaad ee dalka. Doodii way idiin sii socotay oo haddana sii socotay, wax badan waydun isla qaadateen oo maangal ahaa.

Meelaha qaarkoodna waydun ku kala tagayseen. Sababta miyaad garaysaa? Mid wal oo shicibkan wada siyaasiga ah ka mid ah, hal dhan ayuun bay cajaladiisu u duubantahay? Waxa aan uga gol leeyahay, seeska ay ka dhaqaaqayso aragti abaarka qof wal oo reer Soomaaliland ahiba wax baa u saldhig ah. Waxaand ugu liita, reernimo ka xageeda ka eega. Haa, waan ogahay in aad isku reer tihiin Gudoomiye si lamid ah sidayda oo kale. Jamaal iyo Muuse ba waa tolkay.

Laakiin taasi igu kalifi mayso waxa ay ahayd in ay i dirqiyaan. Sababta miyaan ku sii balaadhiyaa carrabka.”Dhibta ayaa la wadaagaa ee dheefta midkood reernimo ku helo, wadaag maaha ee waa ku kaligood!!!” Markaa miyaanay run ahayn in gebi ahaan bulshadu ay tahay hangoolkii ninka dan lihi maalintaa ku xoogsado sida Abwaan Gaarriye ku sheegay maansadiisii “DaboTaxan” labaatan sanno ka hor. Saaxiibkaad doodayseen, waxa aad hadalkii ku soo gunaanadeen gebogebo ku binaysan aragti fog iyo isu tanaasul furan oo caqliyadda fayoobi ay hagayso. “Soomaaliland tollaayeey i doorta waa ay ka tooraysay, ee yaa toosin kara, aqoon tolmoon, afkaar togan iyo yaa bulshada tilmaan hogaan ay majeerataa???” Haa, waa taa midda aad ka maso noqoteen. Waxa aan illahay ugu mahadnaqdeen labadiinu ba bisaylka shicibka ka muuqda iyo sii shiiqidda tolnimo ugu hiilintii oo dadku faham guud ka leeyihiin

Falanqeeye Siyasada Somaliland

Maxamed Salebaan yasiin

4423516