Di Maria iyo Cavani habeen wayn ayuu u ahaa xalay marka laga soo tago guushii waynayd ay ka gaareen Barcelona…+SAWIRRO

0
832

PSG ayaa xalay guul lama filaan oo mug leh ka gaartay kooxda Barcelona oo ay ku xaaqeen 4-gool iyo waxba lugtii hore ee wareega 16-ka Champions League.

Habeenkii xalay ayaa ahaa mid micno gaar ah ugu fadhiya Angel Di Maria iyo Edinson Cavani marka laga soo tago guushii waynayd ee ka gaareen camaaliqada Spain.

Xiddiga reer Argentina iyo dhaliyaha Uruguay ayaa goolashii ay ka dhaliyeen Barcelona ugu dabaal degay dhalashadoodii oo xalay ku beegnayd.

Di Maria ayaa dhaliyay labo gool oo caaqibo leh isagoona ugu dabaal degay sanad guuradiisii 29-aad halka Cavani uu goolkiisii ugu dabaal degay sanad guuradiisii 30-aad.

Capture