Diyaarad Duulimaadkeedda Loo Joojiyay Qof Xaalad Adagi Ku Heshay Suuliga Diyaaradda

0
523

Diyaarad Duulimaadkeedda Loo Joojiyay Qof Xaalad Adagi Ku Heshay Suuliga Diyaaradda

Hargeysa, 28 September (Warsugan)-Diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee United Airlines oo isaga gooshaysay magaalooyinka San Fransisco ayaa si degdeg Colarado u caga dhigatay kaddib, marki mid ka mid ah rakaabkii oo suuliga albaabka suuligi ku xidhmay.

Diyaaradda oo duullimaadkeedi caadiga ku guda-jirta oo hawada mareyso ayaa lagu amray dagitaan aan horay u qorsheyneen oo deg-deg ah inay ugu degto garoonka caalamiga ah ee Denver.

“Albaabka Suuliga ee qofka rakaabka ahi ku jiray ayaa furmi waayey, xilli ay diyaaraddu haawada ku jirtay” ayuu yidhi Afhayeenka shirkaddu
Rakaabka uu suuligu ku xidhmay oo ah haweeney ayaa suuliga laga soo saaray markii ay diyaaradda garoonka Denver soo caga-dhigatay kaddib.
Farriin bogga shirkadda la soo dhigay ayaa u dhignaa sidan”Waxaan ku howlannahay inaan albaabka furno oo aan kaa soo saarno, hooya noo dulqaado mar dhaw ayaan kaa soo saaraynaa”

Qofka rakaabka ee uu albaabka Suuliga ku xidhmay oo lagu magacaabo Jennifer Gettman, waxay KPIX -TV u sheegtay iyadoo wanaagsan in suuliga laga soo saaray.

“Dadku wey sacabbiyeen markii haweeneyda albaabka suuliga laga furay oo ay ka soo baxday, dad badan waxay aaminsanaayeen inay xaalad adag la kulantay.”

Rakaabka diyaaradduna waxay sheegeen inay haweeneyda suuliga uu ku xidhmay ay suuliga ku xayirneyd ku dhawaad saacad.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland