DONALD TRUMP: – Waligey waan ogaa in Putin uu caqli badan yahay

0
495

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ah inuusan ku dayan dowladda Maraykanka oo dalkeeda kasoo ceyrisay 35 diblomaasi oo Ruush ah.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka.

Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go’aan gaarin.

Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumaasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka oo dabaadegga sanadka cusub ay kaga qeybgali doonaan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa horey ugu baaqday in dalka Ruushka laga eryo 35 diblmoaasiyiin u dhalatay Mareykanka taas oo jawaab u ah tallaabo taa la mid ah oo ay Washington qaaday shalay.

Fariin qoraal ah oo la dhigay barta Twitter-ka ee madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa lagu tilmaamay in madaxweyne Putin uu yahay nin waxgarad ah.

Dhanka kale John McCain oo horay musharax madaxweyne u soo noqday ayaa ku tilmaamay tilaabada Ruushka lagula xiriirinayo jabsashada aalada internetka ee doorashooyinkii Maraykanka ka dhacay inay ahayd tilaabo weerar ah, ayna tahay in Ruushka uu wajaho abaalkiisa.