donald-trump-waxaan-ka-dhaxlay-dowladdii-iga-horreysay-fowdo-iyo-cakirnaan/

0
418

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trumo oo markii ugu horreysay hor yimid saxaafadda gudaha Aqalka Cad ayaa bannaanka keenay waxyaabihii uu uurka ku haystay, isagoona dhaliil culus u jeediyay warbaahinta iyo xukuumaddii ka horreysay.

Mr. Trump ayaa sheegay in warbaahintu u caddaalad falin xukuumaddiisa iyo kuwii ka horeeyay, waxaana uu sheegay in uu ilaa iyo iminka garan la`yahay halka ay kala qaadeen oo ay uga sannifeen.

Xukuumaddii ka horreysay ayuu sheegay in uu ka dhaxlay fowdo iyo cakirnaan u diiday in uu horay ugu dhaqaaqo, waxaana uu yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya:

” – Haddii daacad loo hadlo, runtii waxaan ka dhaxlay xukuumaddii iga horreysay fowdo (Chaos) iyo cakirnaan aan horay ugu dhaqaaqi waayay, haddii ay noqon laheyd gudaha iyo dibeddaba. Arrimaha cakiran ee aan ka dhaxlay ayaa waxaa ka mid ah dhinaca dhaqaalaha, xaaladda bariga dhexe iyo tan Waqooyiga Kuuriya”.

Waxa uu sheegay in dhammaan arrimahaasi ay xallin doonaan oo aysan shacabku ka wel-welin, wuxuuna isku tilmaamay madaxweyne wax-qabad leh oo uusan jirin madaxweyne Mareykanka soo maray oo mudo gaaban ku qabto arrimo badan sidiisa.

Arrintan ayaa muujineysay in madaxweynaha cusub uu hor yaallo culeyso dhowr ah kuwaas oo uu ka dhaqaaqi la`yahay.