Doontii ay soo qabatay dowladda oo la soo bandhigay

0
540

Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa soo bandhigay muuqaalka Dooni ay ganaaxday, iyadoo doonidani ay wadatay waraaqo been abuur ah, oo ay kaga kaluumeysanayay xeebaha Soomaaliya.

Doontani ayaa waxaa waraaqahaasi ka iibiyay dad ay sheegeen inay yihiin Mas’uulo Soomaali ah, oo iyaguna si gaar ah loogala xaalayo arimaha ay ku kaceen.

Saciid Jaamac Maxamed, Wasiirku Xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga & Khayraadka Badda, ayaa sheegay in lagu daba joogay markabkani, lagana soo qabtay meel u dhow Gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya.

Wasiir Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in markabku uu u cararay dhinaca Kenya, ka dib markii uu ogaaday in dacwad ka taalo Soomaaliya, tallaabada dib loogu soo celiyayna ay ka caawisay dowladda Kenya iyo hay’ado kale.

Maadaama uu yar yahay qaadka markabkan, ayaa waxaa uu sheegay inay ku ganaaxeen shan iyo lixdan kun oo lacagta Mareykanka ($65,000). Lacagtan ayuu sheegay in ay ku soo dhacday akoonka Wasaaradda Maaliyadda ku leedahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Saciid Jaamac Maxamed, ayaa xusay in dunidu ay soo dhaweysay wadada ay Soomaaliya u martay qabashada markabkaasi, oo uu tankiisu ku sheegay 30 tan.

Si kastaba ahaatee markabkan, ayaa baaritaano lagu marsiiyay Dekeda Magaalada Muqdisho, ka hor intii aanu ganaaxa ku dhicin, waxaana baaritaanadaasi ka qayb qaatay khuburo ka socotay Ururka Fisheye, booliska adduunka ee Interpol iyo hay’ado kale.