Dowladda Burundi oo ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya

0
296

Dowladda Burundi ayaa maanta billowday hanaan ay ciidamadeeda qeybta ka ah Amisom uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya ayada iyo Midowga Yurub.

Mushaharka ciidamada Amisom ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.

Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu sharxo madaxwene, oo bishii July dib loo doortay.

Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay maanta billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.

“Waxaan go’aansannay inaan bilowno ka bixitaanka Soomaaliya, sida aan ballan-qaadnay, sababtoo ah ciidamadeena masii shaqeyn karaan ayaga oo aan mushahar lasiineyn” waxaa sidaas yiri madaxweyne ku xigeenka Burundin Gaston Sindimwo.

“Waan jeclaan lahayn inaan sii wadno taageeridda Soomaaliya iyo xaqiijinta amniga, balse waxaa waajib nagu ah inaan billowno qorshaha bixitaanka” ayuu yiri Sindimwo oo intaas ku daray in ciidamadooda aan mushahar la siin 12 bilood.

Haddii ka bixitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya uu sii socdo waxay wiiqi doonta awoodda ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya.