Dowladda Mareykanka oo baaq u dirtay Xildhibaanada cusub ee Federaalka Soomaaliya

0
293

NEW YORK – war sugan Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa looga hadlay walaaca Beesha caalamka ka qabto wararka soo baxaya ee sheegaya musuq-maasuqa iyo boobka ku aadan Doorashada Soomaaliya.

John Kirby ayaa soo dhaweeyey dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya ,wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka soo dhaweynayso doorashada Soomaaliya ay si nabad ah u dhacdo.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in uu walaac ka qabo wararak soo baxaya ee ku aadan musuq-maasuqa qaar kamid ah kuraasta iyo loolanka hada socda ee Doorashada.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Xildhibaanada Soomaaliya in ay wakhtiga dhowraan isla markaana ay xil iska saaraan doorashada Guddoonka labada golle iyo Madaxweynaha in aysan dib u dhac kale ku iman.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inaan la musuq-maasuqin kuraasta weli dhiman ee Baarlamaanka ,iyadoo kuraasta loo qoondeeyey Haweenka aan laga boobin waa sida lagu sheegay qoraalka.