Dowladda Shiinaha oo ka carootay Wadahadalka Donald Trump Iyo Ing- wen

0
310

BEIGING – Dowladda Shiinaha ayaa ka carootay wadahadal dhanka Taleefoonka ah oo dhexmaray Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Dalka Shiinaha ayaa Jasiirada Taiwan u arka gobol kamid ah dalweynaha Shiinaha balse gooni isu taagay.

Donald Trump ayaa jebiyey siyaasad soo jireen ahayd oo dhanka Diblomaasiyadeed oo Maraykanku kula dhaqmi jiray Taiwan.

Shiinaha ayaa cabasho u gudbiyey Xukuumadda Washington taasoo ay uga cabaneyso wadahadalka uu Trump la sameeyey Madaxweynaha Taiwan.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku tilmaamay khiyaano aan mico sameynayn oo ay Taiwan wado.

Wang Ya ayaa hadalkiisa ku daray in aragtida Shiinaha ee midnimada dalkaas ay dan ugu jirto xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in ay soo wasdag Madaxwaynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Dalka Maraykanka ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Jasiirada Taiwan sanadkii 1979.