Dowladda somaliy oo soo bandhigtay maydadka Shabaabkii weerarka ku soo qaaday degmeda Afgooye

0
454

Saraakiisha ku sugan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa soo bandhigay maydadka rag la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab oo weerar habeen hore ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin gudaha degmeda Afgooye.

– Saraakiisha ku sugan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa soo bandhigay maydadka rag la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al Shabaab oo weerar habeen hore ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin gudaha degmeda Afgooye.

Dowladda ayaa soo bandhigtay 3 mayd oo ahaa niman da’ah kuwaas oo kamid ahaa ragii weerarka ku soo qaaday fariisimaha ciidamada.Nuur Xayir oo ah taliyaha ciidanka amniga ee Gobolka Shabeeladda hoose ayaa sheegay in ciidamadu markii hore ay gacanta ku soo dhigeen seddax ka tirsan Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah, kuwaasi oo markii danbe u geeriyoodeen dhaawacii soo gaaray, kaddib markii ay goobtii dagaalku ka dhacay ku dhiig baxeen.

https://youtu.be/EcvWrQvI-zc?t=3