Dowladda Soomaaliya Oo 22-Ka Bishan Ku Dhawaaqdey In La Hakiyey Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
397

Dowladda Soomaaliya Oo 22-Ka Bishan Ku Dhawaaqdey In La Hakiyey Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 22-ka bishan oo ku beegan Arbacada
soo socota la hakiyay dhamaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu sheegay in duulimaayada garoonka la hakiyay 22-ka bishan, maadaama ay ku beegan tahay maalinta ay dhaceyso munaasabada caleema saarka.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo sii sheegay ay tahay inay la sii socdaan shirkadaha duulimaadyada si aanay maalintaas ugu ku soo beegin duulimaadyada rakaabka ah.

Duulimaadyada la hakiyay ayaa isugu jira kuwa dadweynaha iyo diyaaradaha hey’adaha caalamiga ee ka soo degi jiay garoonka.

Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Madax caalamka ka socda, waxaana la sheegay in ammaankana si aad ah loo adkeynayo.

Qaban qaabada xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana maalin ka hor la magacaabay Guddi ka shaqeynaya caleema saarka oo ah Wasiiro.