Dowladii Carbeed Ee Ugu Horeysay Oo Gargaar U Soo Dirtay Abaaraha Soomaaliya+Safiirka Somaliya Kuwai Oo Mahad Celiyey+ Sawirro

0
407

Dowlada Kuwait ayaa noqotay dowladii ugu horeysay Carabta ee gargaar u soo dirtay dadka abaaruhu ku saameeyeen qeybo ka mid ah Soomaaliya. Garoonka dayuuradaha magaalada Kuwait city ayaa waxaa maanta ka soo duushay dayuurad sida qeybtii ugu horeysay gargaarka dowlada ugu Kuwait ugu talo gashay dadka ku tabaaleysan Somalia. Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo saxaafadda kula hadlay Garoonka inta aanay diyaaraddu hawada gelin, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay Amiirka, Xukuumadda iyo Shacbiga dalka Kuwait sida ay uga jawaabeen baaqii dowlada Soomaaliya ee ku aadanaa in malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macluul, sidaa darteedna loo baahan yahay in lala gaaro gargaar deg deg ah.

Dayuuraddii ugu horeysay ee siday shixnadaha gargaarka ee dowlada Kuwait ugu talo gashay dadka ku macluulaya Somalia ayaa waxay maanta ka degtay magaalada Hargeysa, iyadoo gobolada woqooyi ay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee abaaraha laga soo sheegayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socdaana ay jiri doonaan dayuurado kale oo ku wajahan Gobolada Koonfureed ee dalka, kuwaasoo gargaar u sida dadka tabaaleysan.