EL CLASICO: 3-qodob oo ay caawa Barcelona uga adkaan karto Real Madrid

0
591

Barcelona oo baahi u qabta guul si ay ugu tartanto horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkan ayaa Camp Nou fiidkii ku marti galineysa Real Madrid.

Haddaba waxaan halkan kugu heynaa 3-qodob ay Barcelona ku adkaan karto kulanka El Calsico.

Maadaama uu Gareth Bale dhaawacan yahay, Barcelona waxay heysataa fursad ay uga faa’iideystaan xaqiiqada ah in ciyaaryahanka reer Wales uu ka maqan yahay Real Madrid. Taas ayaa ka dhigan in Barcelona aysan ka wal-walayn in weerar rogaal celis oo dhaqsi ah ay uga yimaadaan dhanka Real Madrid.

Bale ayaa ahaa ciyaaryahanka ugu fiican Los Blancos xiliyadii dambe, wuxuuna kooxda siin jiray faa’iido badan ee dhanka weerarka ah. Barca ayaa hadda xooga saari karta ciyaarteeda iyadoo niyada ku haysa maqnaansha Bale.

Haddii uu joogi lahaa Bale waxay Barcelona uga dhignaan lahayd inay in badan ka taxaddaraan garabkiisa indhahana ku haayaan, balse Barcelona ma heli doonto fursad ka wanaagsan midaan oo ay ku wajihi lahayd kooxda Real Madrid.

Sida ay Real Madrid u haysato Cristiano Ronaldo ayay sidoo kale Barcelona u haysataa Lionel Messi. Sixiroolaha yar ayaa saameyn kara bandhiga aadka cajiibka u ah kaas oo ka wanaagsan ciyaaryahan kasta oo ku dul nool meerahaan korkiisa xitaa Cristiano Ronaldo. Messi ayaa saameyn xoog badan ku leh ciyaarta uu dheelayo haddii xitaa uusan dhalin goolal badan.

Awooda uu u leeyahay inuu qadka dhexe u soo dhaco siiyana kooxdiisa awood sarreysa ee dhanka weerarka ah ayaa ah mid aan la xaqiri karin.

Messi ayaa badali kara qaabka ay u socoto ciyaar waliba sida uu rabo ka dhigi kara. Ciyaaraha waa waynna kuma sii jiraan. Messi uma baahna inuu qof u caddeeyo waynaantiisa balse bandhigiisa ciyaaraha waa wayn ayaa ka dhigaysaa  isaga mid ka mid ah dadka ugu fiican kubada cagta.

Inkastoo aysan jirin xiisad aad u wayn, haddana Barcelona ayaa ku jirta xilli aad u xun. Bar-barihii ay la gashay Real Sociedad ayaa soo bandhigtay daciifnimadooda dhinacyo badan leh.

Ciyaaryahannada sida Gerad Pique ayaa qiray inaysan saan ku qaadin karin horyaalka, halka Luis Enrique uu qirtay in kooxdiisa ay mucjiso ka bad-baadisay inay guul dareystaan. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in Barca ay sameyso fal celin dag dag ah sida kooxaha waawaynba ay sameeyaan.

Barca horay ayay saas oo kale u sameysay, kaddib waqtiyo xun ayay ka bixisay jaawaab celin wanaagsan, hadda waa inay dhaqankooda muujiyaan ayna sidoo kale sameeyaan fal celinadii hore oo kale. Mooraalkooda wuu wanaagsanaan doonaa balse tanina waxay ahaan doontaa qodob meesha ku jira. Guul darro hadday la kulmaan waxay Barca uga dhignaan doontaa musiibo.