ENG FAYSAL CALI WARAABE OO MAR AFRAAD JEBIYAY GO’AANKII GUDDIDA TAAGTA DARAN EE GUDDOOMIYE ABDIRSAAQ CIYAALE & AF-HAYEEN XASSAN MACALIN

0
382

Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Ansixinta Xisbiyadda waxa lagu dhisay Xerr No 14/2011 oo Madaxwaynahu ansaxiyay August,2011. Sida xeerkaasi qeexaayo, waa Guddi Madaxbanaan , una xilsaaran diiwaangelinta, ansaxinta iyo anshax-marinta Xisbiyada Qaranka. Waxay ka koobanyheen 7 xubnood , waxaany qaataan gunno u dhiganta gunnada ay t qaataan Komishanka Qaranku.Waxay Guddoomiye u doorteen Mudane Abdirasaaq Ciyaale, Af-hayeena Mudane Xassan Macalin, oo ahaa Wasiirkii iska casilay Xukuumaddii Madaxwayne Riyaale, kuna biiray Xisbigga Kulmiye ,hab qabiilnimo.

Hadaba, muddo ka badan saddex bilood , waxa Guddida hortaalay dacwad u dhaxaysa labada Garab ee Xisbigga UCID, oo aanay ilaa iyo maanta xal ka gaadhin. Mar uu warbaahinta la hadlay Guddoomiye Cabdirasaaq Ciyaale 25th April,2016 wuxuu yidhi “‘Dacwadaasi waa noo taala. Waxaanu sugaynaa inta lana ansixinaayo si aanay hadhow aanay uga imanin daba filiq. Arrintaasi waxay ka mid tahay xilka naloo igmadey. Waxaanu u dhameyn doona sida ugu wanaaga badan ee qaranka looga ilaalin lahaa in aanu xisbi kale bur burin”

30th April, 2016, Guddiga Diinwaangelintu waxay soo saareen go’aan ay ku amrayaan Guddoomiye Faysal iyo Musharax Jamaal , inaanu midkoodna magacaabin xilal cusub. Waxa isla markiiba go’aankaas jebiyay Eng. Faysal oo magacaabay 9 xil oo cusub. Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle), laguna socodsiiyey Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa u dhignaa sidan “ Waxa Guddidu kaa dalbanaysaa in aad soo caddayso warqadda summaddeedu tahay REF/UCID/XDH/128/2016, kuna taariikhaysan 05/05/2016 inay warqadaasi xafisskiina si sharci ah uga soo baxday, warqadaas oo ku saabsan magacaabis xilal cusub .Waxa mar labaad la idin farayaa in aad kasoo jawaabtaan si dhaqso ah si ay guddidu ugu go’aan qaadato.

Warqadaas Eng Faysal kama jawaabin, Guddiguna go’aan kamay qaadan. Waxa maanta Guddoomiye Faysal mar afraad jebiyay go’aankii Guddigga Diiwaangelinta ee Taagta-daran, markii uu xilka ka qaaday Marwo Rooda Axmed Yaasin, oo ahayd Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Saaxil . Bal aan eegno fal-celinta Guddidda Diiwaangelinta ee taagta –daran , oo la filaayo inay ka amar qaadato Madaxatooyadda iyo Hogaanka Kulmiye.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@ yahoo.com.