Faallo: Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Lama Wada Guulleysan Ee Waa La Kala Guulleystay

0
640

Doorashadii Somaliland ka qabsoontay 31-kii bishii May waxa guullo waaweyn ka soo hooyay xisbiyadda mucaaridka ah, mar la eego doorashada maayirradda degmooyinka waaweyn ee dalka iyada xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku guulaysteen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood, halka xisbiga KULMIYE uu ku guulaystay degmada Berbera oo kaliya. Sidoo kale waxa ay xisbiyadda mucaaridku ku guulaysteen lab aka mid ah saddexda kursi ee ugu sarreeya shirguddoonka golaha wakiillada.

Waxa aan daawaday/dhagaystay/akhristay dad badan oo leh waa la wada guulaystay, Somaliland ayaa guulaystay, guusha ugu weyn waxa leh muxaafidka aqbalay natiijadda, sidaa marka ay tahay waxa ay meel ka dhac ku tahay cidda dhabta ah ee guulaystay oo loo qiri la’yahay guusha weyn ee ay gaadheen.

Haddaba si aad u ogaado in la kala guulaystay iyo in la wada guulaystay akhriso faalladan oo aan ku soo koobi doono tartankii adkaa ee dhex-maray muxaafidka iyo mucaaridka.

Maxaa dhacay intii uu tartanku socday?

Sideedaba waxa sunnaha nolosha ka mid ah in marka ay tartamaan laba amma saddex iyo in ka badan ay guushu raacdo cidda bixisay dadaalka ugu badan ogolaasha Alle ka sokow.

Madaxweyne Biixi ayaa mar uu ka hadlayay doorashadii 2017 waxa oo sheegay inay jiraa laba qolo oo kala guulaystay, qolo uu isagu hoggaamiyo oo ku sheegay inay tahay qolada guulaystay iyo qolo kale oo laga guulaystay oo ku canaantay inay u qaateen inay gumoobeen inay noqdeen gabadhaa guur beeshay, sidoo kale Cabdikariin Xinif oo ka mid ah kaadiriinta KULMIYE ayaa mar la waraysanayay sheegay in aanay marnaba suurtagal ahayn in kooxdii guulaystay iyo kooxdii laga guulaystay ay u sinaadaan manfaca dawladda, haddaba maxaa loo qiri la’ayahay guusha hadda ay gaadheen mucaaridku.

Xisbiyadda mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID oo samaystay isbahaysi ayaa tartankii ugu adkaa la galay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa wasiirrada iyo dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isagu ahaa mushiinka iyo hoggaamiyaha garabka muxaafidka ayaa hawl-galay cid kasta oo uu xil u magacaabay isla markaana uu ku tuhmayay inay guul ka keeni karto tartan adage e lagu jiro balse nasiib darro guul-darro weyn ayaa loo xanbaariyay.

Dhankooda xisbiyaddu mucaaridka markasta waxa ay haysteen aqlabiyad waxa aynu dadaaleen inay difaacdaan aqlabiyadooda, iyaga oo dadaalka ugu badan galinayay inay hantaan quluubta xildhibaannada xisbiyadooda ka soo baxay taas oo la odhan karo mid kaliya ee ay dheeraayeen muxaafidka oo iyagu ku mashquulsanaa arrimo kale oo aan si toos ah u taabanay xildhibaannada codkooda lagu kala baxayo.

Waxa aynu si kooban u eegi doonaa tallaabooyina dhawr ah uu qaadeen madaxweyne Biixi iyo qaar ka mid golihiisa wasiirrada intuu uu tartanku socday.

Madaxweyne Biixi isaga inta badan faro-gelin toos ah kuma samayn doorashadii golleyaasha deegaanka dalka laakiin waxa uu hawl-galiyay xubno ka mid golihiisa wasiirrada oo iyagu isku dayay inay mucaaridka kaga guulaystaan qaar ka mid maayirrada magaalooyinka sida Boorama, Laascaanood, Berbera, Gabiley, Oodweyne oo qaarkood dib loogu dhigay wakhtigii loo cayimay inay isdoortaan balse intooda badan waa lagaga guulaystay.

Markii lagu kala adkaaday doorashadii golleyaasha deegaanka waxa haddana tartan culus loo galay shir-guddoonka golaha wakiillada, madaxweyne Biixi oo isagu arkayay muhiimada shir-guddoonka wakiilladu u leeyahay hoggaaminta dalka ayaa xoog iyo xeelad isku geeyay sidii uu hanan lahaa saddexda kursi ee ugu sarreeya golahaasi, waxa uu isticmaalay hab qabali ah, hab maaliyadeed, in uu ka faa’iidaysto awoodda xukunka uu gacanta ku hayo isaga dad qaar ka laaluushayay hanti ummada, dadka qaarna u samaynayay ballanqaadyo xilal iyo mashaariic laga fulin doono deegamadooda, dada qaar xildhibaan lagaga bedelanayay in la si daayo dad la loo xidhay inay dambiyo ka galeen dalka Somaliland oo aynu tusaale u soo qaadan karno dad loo xidhay inay xidheen calanka Soomaaliya, halka dadka qaar xildhibaanno lagaga bedeshay in loo sii daayo ganacsiyo laga xanibay oo in muddo ah ka xidhnaa, waxa xusid mudan in dhammaan ballanqaadyada uu deg-deg u fuliyay madaxweyne Muuse Biixi balse uma suura-gelin in ku guulaysto guddoonka golaha wakiillada.

Gabagabadii muxaafidka waxa aan leeyahay guul-darradaada in aad qirtaa waxa ay kuu sahlaysaa in aad guulaysatid, mucaaridkana waxa aan leeyahay guushaada in u dabaal-degtida waxa ay dariiqa u xaadhaysaa in aad guullo kale ku naalootid.

W/Q Xamse Maxamed Iimaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here