Fabio Capello oo layaab ay ku noqotay in Totti uu wali ciyaarayo kubadda cagta

0
568

Tababaraha reer talyaani ee Fabio Capello ayaa layaab ku tilmaamay in Francesco Totti uu wali sii ciyaarayo kubadda cagta.

Kabtanka kooxda Roma ayaa haatan ah 40 jir, wuxuuna ku jiraa sanadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga.

Capello oo horay u soo tababaray Totti ayaa sheegay inuu filayay in laacibkaan uu xili hore ka fariisan doono kubadda cagta maadama uu ahaa laacib sifudud ku cayila.

“Marnaba ma filayn in Francesco Totti uu sii ciyaari karo ilaa 40 sano waayo miisaankiisu si joogto ah ayuu u kordhijiray” ayuu yiri Capello oo tababare u ahaa Roma 1999 ilaa 2004.

“Waxaan aaminsanaa in xirfada Totti ay u dhamaan doonto sida Ronaldo-ha reer Brazil, laakiin taa badalkeeda wuxuu iska hagaajiyay tababarka iyo cuntada”.