Facebook oo shaqaalaha UK kordhinaya 50% sanadka 2017-ka

0
301

waaxa qorey yaasir br

Facebook ayaa kordhin doonta shaqaalaha UK 50% markii ay u furto xarunteeda cusub ee London sanadka 2017, shirkadda teknoolajiyada ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday.
Waxay qoronaysaa 500 oo shaqaale dheeraad ah, oo ay ku jiraan injineero, shaqaalaha suuqgaynta, iyo kuwa hogaamiya barnaamijyada.(project managers)
“UK ayaa ah meelaha ugu fiican ee shirkadaha teknoolajiyada ay xarun ka dhigtaan,” ayay sheegtay madaxa Facebook UK, Nicola Mendelsohn.
Xarunta cusub ee Facebook ayaa laga furi doonaa Fitzrovia iyadoo dhismo uu ku socdo.
Shaqaalaha cusub intooda badan ayaa ka shaqayn doona xarunta cusub.
Ms Mendelsohn, ayaa ka sheegaysa kordhinta shaqaalaha shirka madaxda shirkadaha Britishka ee CBI ee ka dhacaya London.
‘Shaqooyinka xirfada sare’
“Shaqooyinkan intooda badan ayaa ah shaqooyin injineero oo xirfad badan leh iyadoo UK ay tahay xarunteena injineernimada ee ugu wayn Maraykanka kadib”, ayay sheegtay Ms Mendelsohn, oo ah gudoomiye ku xigeenka Facebook ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika ee Facebook.
Shirkada ayaa sheegtay in hal abuuryada ugu muhiimsan ay ka soo baxeen UK, oo ay ka mid yihiin Aquila, iyo diyaaradaha aan la wadin ee qoraxda ku shaqeeya ee internetka siiya meelaha fog fog.
Injineerada Facebook ee ka shaqeeya London ayaa ka shaqaynaya inay soo saaraan borogaraamka Workplace, oo loogu tala galay in lagu hormariyo sidii ay shaqaalaha shirkadaha iskula xiriiri lahaayeen, iyadoo la bilaabay barnaamijka bishii hore.Markii Uk ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub waxaa dad badan ay hadal hayeen in shirkadaha caalamiga ay dib uga fiirsan doonaan maalgalinta UK.
Laakiin, ku dhawaaqida kordhinta shaqaalaha Facebook ee Uk ayaa timid toddobaad kadib, markii Google ay ku dhawaaqday £1 bilyan oo maalgalin oo ay ku samaynayso xarun cusub oo London ah iyo 3,000 oo shaqaale cusub ay qaadanayso sanadka 2020.
Duqa magaalada London Sadiq Khan, ayaa soo dhaweeyay hadalka maalgalinta Facebook.
“Go’aanka Facebook ee ay ku maalgalinayso London ayaa marqaati ka ah inay sii kordhayso awooda London oo ah xarun teknoolajiyad,” ayuu sheegay.
“Magaalo madaxda London oo teknoolajiyada ku horaysa ayaa ah wax ay ku daydaan Yurub, maalgashiga Facebook ayaa ah calaamad in London ay u furan tahay halabuurka, kartida, iyo halabuurka ganacsiga ee caalamka oo dhan.”