Fadhigii Golaha Wasiirrada Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Siyaasado Iyo Qodobbo Muhiim Ah Oo Lagu Falanqeeyey

0
256

Fadhigii Golaha Wasiirrada Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Siyaasado Iyo Qodobbo Muhiim Ah Oo Lagu Falanqeeyey

Hargeysa-14-07-2022-(WMG)-Fadhigii 95-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu naaqishay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Ugu horrayn waxa warbiximo laga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha oo golaha la wadaagay amniga guud ee dalka, Macdanta iyo Tamarta oo golaha warbixin ka siiyey xaalada koronta iyo horumarinta biyaha oo golaha uga warbixyey xaaladda biyo yaraanta ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in talo midaysan oo mustaqbalka lagu badbaadi karo laga yeesho, waxana arrintaas talo bixinteeda goluhu u saaray guddi wasiirro ah oo hawshaas loo xilsaaray.

Sidoo kale Qaybo-qoraalka xeerka ciidanka dab-demiska oo dooddiisu hore u socotay, ayaa maantana lasii ambo qaaday, ka doodistiisa, waxana loo xilsaaray soo ururinta doodaha xeerkaas iyo afkaartii laga soo jeediyeyba guddi, taas oo kulamada dambe keeni doonta warbixintooda dhammayska tiran.

Dhinaca kale goluhu waxa uu meel mariyey Siyaasadda qaran ee Diiwaanka Sekeda, oo ay goluhu ansixiyeen, taas oo ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen xubnihii wasiirrada ahaa ee kal-fadhiga ku sugnaa.

Ugu dambayntii, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, taas oo goluhu fadhiyada dambe gudo geli doono dooddiisa.


Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here