Falanqaynta Siyaasadda Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Sooyalkoda Taariikheed (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

0
537

Falanqaynta Siyaasadda Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Sooyalkoda Taariikheed (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Sanadkii 2001 markii dadwaynaha reer Somaliland afti ku ansixiyeen dastuur dhigaya mabaadida dimoqraadiyadda waxay Somaliland u dhaqdhaqaaqday sidii ay u yagleeli lahayd nidaam dawladeed oo ku sal leh dimoqraadiyad ay hogaanka siyaasadda u hayaan xisbiyo siyaasadeed, Somaliland waxay qaadaty nidaamka xisbiyada badana sanadkii 2001 wakhtigaas oo xisibigi ugu horeyey ee la asasay uu ahaa xisbigi UDUB ee hada ka baxay gabi ahaanba saaxda siyaasada iyadoo ay ku xigeen ururo kale oo ay kamid ahaayeen xisbiga UCID iyo xisbiga hada talada haya ee KULMIYE.

Qormadenan aan u bixinay falaqynta siyaasada xisbiyada qaranka oo aan ku soo qadan doono dano saddexda xisbi qaran ee manta ka jira somaliland iyo sooyalkooda taariikheed kuwaas oo ku tartammi doona doorashoyinka soo socda ee kala duwan,bal aan ugu horaysiyo xisbiga Ucid oo ah xisbiga ugu da,da wayn xisbiyada jira manta.

December 15, 2002 ayaa markii u horaysay tan iyo 1969 dadwaynaha reer Somaliland waxay u dareereen codbixin golayasha deeganka oo ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu codka badani noqon doonaan xisbiyadda siyaasadda ee dalka .Waxa ku soo baxay xisbigii talada dalka hayey ee Ururka Dimoqraadiyadda Umadda Bahowday (UDUB), Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) iyo ururka kulmiye. Sadexdaas urur oo da’ ahaanna u kala waynaa sida ay u kala horeeyaan waxaay laga bilaabo ku dhawaaqistii natiijada doorashada noqdeen xisbiyada rasmiga ah ee dalka, bal aynu ku horayno xisbiga Ucid.

Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID
Xisbiga UCID oo loo soo gabiyey Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka waxaa la aasasy 18/8/2001, wakhtigaas oo ay aasasen gudoomiyaha imika ,ahna murashaxa xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe iyo koox kale oo isku mabda ahaayen in la sameeyo xisbi qaran oo u dhigma xisbiga markaa jiray talada dalka hayay ee UDUB, oo ahaa xisbigii ugu horeyey ee somaliland laga aasaso kaas oo uu sameyey madaxweynihi wakhtigaa AHUN Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, doorashadaa ugu horaysay xisbiga Ucid wuxuu galay kaalinta saddexad waxaanu uu dalka ku yesho xildhibano badan oo golayasha deeganka ee dalka ee wakhtigaas .

bishi April,2003 waxay ahayd maalintii loo dareeray doorashadii ugu horeysay oo si dimuquradiya loogu tartamo kursiga dalka ugu sareya ee madaxwaynanimada, waxaa xisbiga Ucid u tartamayay labada musharax ee kala ahaa Eng Faysal Cali Waraabe(Muaharaxa madaxweyne) iyo ku xigeenka AHUN Axmed Cabdi Siciid iyadoo, 14-kii Abril, 2003, iyaga oo shaaca ka qaaday tirooyinka ay kala heleen saddexdii xisbi ee tartamay (UCID, UDUB iyo KULMIYE) una dhignayd natijadii dorashadu sidan, UDUB wadarta dadka codeeyey ka helay 205’595 cod, halka ay guddigu shegeen inuu xisbiga KULMIYE helay 205’515 cod, sidoo kale xisbiga UCID ayaa helay 77’433 cod, laakiin xisbiga UDUB marka la eego tirada codadka uu helay 42.08% ayey ka noqonaysaa saamiga dadka codeeyey, halka ay xisbiga KULMIYE noqonayso 42.07%, sidoo kale xisbiga UCID waxa noqonaysaa 15.85%.

Waxaad dareemi kartaa in labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye ay natijadodu aad isugu dhawayd kuna kala gulaysteen tiro aad u yar oo ah 80 cod, halka xisbigii Ucid uu isagu aad uga awood yaraa labada xisbi ee kale codadka uu helayna ay yihiin 15.85%. inagoo sababaha ku shegi dona gaba gabada maqalkeena.

29 bishii Sept, 2005 ayay ahayd maalintii loo dareeray doorashadii baarlamnka Somaliland oo ay ku tartamayeen saddexdii xisbi qaran ee aan kor ku soo xusnay iyadoo ay natiijadii ay kala heleen ay ahayd sidan hoos ku qoran, xisbiga Udub oo helay 33 xildhibaan, xisiga Kulmiye oo helay 28 xildhiban iyo xisbiga Ucid oo helay 21 xildhibaan taas oo isuganta waartoda ka dhigaysa 82 xildhibaan ee golaha wakiilada somaliland. Xisbigii Ucid wuxuu marlabad galay kaalinta saddxad eek ala horaynta xisbiyada aqlabiyada ku ah golaha baarlamanka Somaliland
Xifiltan baladhan oo ka dhexeyey xisbiyada muxafidka ee Udub iyo ka mucaaradka ugu wayna Kulmiye waxay faa,iido u noqotay xisbiga Ucid oo isbahysi la noqday xisbigii Kulmiye lana siyey Gudomiyaha golaha wakiilada, halka xisbiga Kulmiye helay labada gudomiye ku xigeen ee golaha wakilada somaliland.

Dorashadii labaad ee madaxtinimada dalka ee 26 June ,2010 waxaa marlabaad xisbigii Ucid u tartamay isla Eng Faysal Cali Waraabe oo ahaa murashax madaxweyne halka Dr Maxamed Rashiid Shiikh Xasan uu ahaa Murashax Madaxweyne ku xigeen, sidii cadadu ahayd xisbiga u cid wuxuu kalintisii 3 aad ka galay dorashadaas iyadoo natijadii lakala helayna ahayd sidan xisbiga Kulmiye 266, 906 u dhiganta dadkii codeeyay 49.59%, xisbiga UDUB 178, 881una dhiganta dadkii codeeyay 33.23%, iyo UCID 92,459 u dhiganta dadkii codeeyay 17.18 %.

Dorashadaa kadib waxaa xisbigii Ucid waxaaka bilaabmay khilaaf soo kala dhexgalay madaxdii ugu sarsaraysay oo gaadhay heer maxakamded, natijadina waxay noqoty in Eng Faysal Cali Waraabe xisbga baaqi ku sii ahaado, halka garabkii kale ay samaysteen xisbiga Wadani oo ah ka manta mucaaradka ugu wayn. Hoos u dhac wayn oo ku yimi xisbigii Ucid iyo ururadi siyaasada oo la furay waxay dhabar jab ku noqtay xisbigii Ucid iyo gudomiyahodii kuwaas oo ku qancay in xisbiga lagu wareejiyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo markaa siyaasada xisbiyada aad u danaynayay khilaafna kaga yimi xisbigii uu donayay ee UDUB, kuna qancay inay tahay fursad uu ku gaadhi karo hogaaminta talada dalka.

Shirweyne ay qabsadeen xisbiga Ucid waxaa murashax madaxweyne loogu doortay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeena waxaa loo dortay aqoonyahan Cabdirashiid xasan Mataan, dadaal badan oo ay sameeyen madaxdii iyo dhamaan murashixinta golayasha deeganka ee dalka oo dhan uga sharaxnaa xisbiga u UCID waxaa uu ku soo baxay kaalintisii 3aad, waxaana markan ka horeyey xisbigii WADANI oo ka samaysay khilafki UCID galayna kalinta 2aad. Gushaa xisbiga UCID ee ka mid noqoshada xisbiyada qaranka waxay dhalisay in hadana ay isqabtaan gudoomiyihii xisbiga yo murashaxii xisbiga taas oo kentay in hadana kisii xisbiga la geeyo Maxakamada Sare ee dalka kana gar naqdo, ugu damabyntii waxaa xusbigii loo xukumay Eng faysal cali warabe iyo garabkisii, halka garabkii kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ay ku bireen xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Ucid Xaalkiisa Siyaadadeed Waa Sidee Maanta
1. Xisbiga Ucid oo ah xisbiga ugu da,da wayn asxaabta maanta jirta waxaa uu lumiyey dhamaan kalsonidii xildhibanada golaha baarlamanka oo tiradoodu ahayd 21 xildhibaan manna haysto hal xildhibaan oo ugu jira golahas,isla mar ahaantaa wax samaynah kuma laha dhamaan xeerarka kala duwan ee lagu ansxiyo aqalka baarlamanka somaliland, sidaa daradeed dib u habayn halagu sameyo hogaanka xisbiga oo ugu horeeyo in mesha u baneeyo Eng Faysal Cali Waraabe.

2. Waxaa uu xisbiga Ucid isna lumiyey dhamaan xildhibanadii golayasha deeganka ee dalka oo aynu ka war hayno inay ka mid yihiin mayarada Berbera iyo Gabiley kuwaas oo ku qanci wayay hananka ay wax u socdaan iyo hogaanka xisbiga ee heer qaran.

3. Ilaa hada lama soo bandhigin murashaxii madaxweyne ku xigeen iyo buugii lagu soo bandhigayay waxqabadka xisbiga Ucid iyadoo ay dorashadii ka hadhay wax ka yar 5 bilood ee taas oo ku tusaysa awood darada xisbiga iyo isku xidhnaan la.aanta madaxda ugu saraysa xisbigaas.

4.dhamaan xisbiyada kale waxay dardar galiyeen garabyadii dhalinayarada iyo laamihii xibiyadaas ee qurbaha, halka xisbiga Ucid aan laga hayn gudo iyo dabadba wax dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo mujinaya awoodisa xisbinimo kuna soo bandhigo cududisa dhalinyarao iyo waayeel bulashada ku leh magac iyo milgo, codna xisbiga u soo jiidi kara

5. Hogaanka xisbiga Ucid hakudaydo hogaamiyayashii xisbiyada ee Daahir Riyaale iyo Madaxweyne Siilanyo oo warejiyey xisbiyadii ay hogaaminayeen mudada dheer
6. Hadii xisbiga Ucid uu sidan ku sii socdo waxaa hubaal inuu mari doono wadadii uu maray xisibigii guunka ahaa ee UDUB, kaas oo dhibatadisu salka ku haysay muran qalalase oo ka yimi xukun jacayl garabyo ugu sareyey xisbiga oo kala duwan ahaa….Lasoco xisbiga Wadani

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
Samiir.net@gmail.com
00252-634241542

.